Qowmiyadda Tigreega iyo beesha Isaaq waxa ay ka siman yihiin odhaahda ah, "Waa na la xasuuqay..W/Q Jimcaale M. Xamari
Bishii Juun ee 2018kii oo ku beegan markii uu Abiy Ahmed laba bilood uun hayay xilka raysalwasaaraha, Jigjigana uu CMC weli haystay, ayaan habeen maqaaxi qolo Tigree ahi leedahay kaligay soo galay. Waxa ka shidnaa Telefiishanka dawladda Tigreega. Waxa ka socday barnaamij taariikh ah oo ay kaga waramayaan sida ay dalka ugu soo halgameen iyo nafaha ay u waayeen si ay Dhergigii dhiigyacabka ahaa meesha uga saaraan.
Fiidkaa waxa aan bartaydan ku soo qoray qoraal kooban oo u dhignaa sidan, [Qowmiyadda Tigreega iyo beesha Isaaq waxa ay ka siman yihiin odhaahda ah, "Waa na la xasuuqay."]
Dalka Itoobiya qowmiyaddaha siyaasadda isku haya intii isbeddelku dhacay waxa ay u kala eekaadeen beelaha Soomaalida. Beelaha Soomaalidu markii Siyaad Barre dalka ka baxay dhawr dariiq ayaa ay qaaddeen. Bal aynu eegno mid walba iyo jihada ay qaadday iyo qowmiyadda Itoobiyaanka ah ee jidkaa haysa.
Tigreegu sida aynu kor ku soo sheegnay waxa uu qaadday wadadii Isaaqa. Waxaana hubaal ah in haddii Itoobiya isku dhacdo ay noqonayaan qowmiyadda kaliya ee haysata cudud iyo dhaqaale badbaadin kara sidii Isaaqu uga samatabaxay wixii 1991 ka dambeeyay ee colaad iyo abaar ahaa. Ma jirin cadaw dibed uga yimid Isaaq tan iyo markii ay ciidamadii XDS ka baxeen.
Reerka Daarood oo aan arkay dad isku qaaddaya oo siinaya doorka Amxaaradu khaanaddaa ma wada geli karaan. Deegaan ahaan iyo aragtiyaha siyaasaddaba waa ay ku kala duwan yihiin, taas ayaa keenaysa in aan hal unug laga dhigin ee dhawr qaybood laga xusho.
Doorka Amxaaradda waxa aan loogu tagayn Marreexaan. Marreexaan waxa ay Soomaaliya ka talinayeen muddo badan. Kuwa Isaaqu dawladda ka riday iyaga ayaa ay ahaayeen. Markii dawladdoodu dhacday waxa ay noqdeen tuke baal cad oo aan cidina bixin. Laba sababoodba waa ay ka shabahaan Amxaaradda.
1. In aannay nidaamka Federaalka ku qanacsanayn iyo waddaniyaddii ay maalinta dhawayd sheegteen.
2. In ay taariikh xun oo reer waliba xasuusan yahay ku leeyihiin maamulida Soomaalida iyo in ay imika taliyaan. Abiy iyo Farmaajo aragtiyaha Dhergiga iyi Kacaanka ayaa ay sidaan.
Hawiyuhu si guud waxa uu galayaa doorka Oromada. Waxa ay degaan badhtamaha Soomaaliya, caasimadda iyo gobollada ku xeeran. Waa cududda ugu adag ee dawladdu haatan ku tamariso. In badan ayaa ay iska hurdeen, se dhawaan ayaa ay hambabareen oo nidaamka qabaliga ah ku baraarugeen. Imika waa kuwan shir ka bixi la'.
Majeerteenku dhinac waxa uu kala mid yahay Oromada, dhinacna Amxaarada markaa doorkooda waaban garan waayay. Markii aan taariikhda rogrogay malaha Sidhaamada iyo Wolaytaha ayaa ay iila doo eekaadeen, haddana waa ay igala saamayn bateen. Adigu lug Tigreega ayaa ay la soo galayaan oo waakuwan intooda xidhay, lug Amxaaradda, lugna Oromada.
Dhulbahante doorka Soomaalida ayaa uu hayaa. Wax door ah kuma laha siyaasadda Soomaaliya. Hadba ka joogga ayaa oxoogaa ku yara danaysta. Bilawga waa taageeraan, se dhammaadka waa ay nacaan. Waa niman iska go'doonsan.
Raxanwayn si guud waa Uraaggada Soomaaliya. Waa niman iska shaqaysta oo dhaqaalaha dabaqadda dhexe magaalooyin badan qabsaday. Siyaasadda door waa ay ku leeyihiin. Waxa ay ahaayeen afhayeenka baarlamaanka. Siyaasaddooduna ma buuq badna sida reerahan kale.
Reeraha kale ee aan siyaasadda Soomaaliya saamaynta muuqata ku lahayn ee reer walba lehi waxa ay galayaan ku dhawaad 80ka qowmiyaddood ee kale boosaskooda.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!