Nin-ba Camal-kiis Caana-heed Maal (Abdi-Shotaly).
Hees ay qaadi jirtey Fanaanadda Shanka-roon, oo uu lahaa Maxamed Cali kaariye, baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa Heesta, oo ku socotaa Ina Xaashi Iyo qabyo-Tire ee waa tan " Nabsi gaaxsan baa gondahay jaroo, meela gaadhi waa geedi-gaan raroo, godob sidaan qabaan, gama iidayoo, nabsi-gaan godlaa i guhaadiyee, cirkan gaaxsa-nina, way gaba-geboo, Guri waaqla oo laga guurey baan, raad- goobayaa, caku goor dambee," Waa cayn-kaase, horey Somalidu u tidhi " Qofka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaaye" Askariggii loogu taag waayey, waar qun yar cagaha dhig, oo bil-basar u soco, haday khasab ku tahay in uu si wacan beerka dhulka ugu gurguurto, iyadda oo aan laga baryeyn, ma u dhintay geeri iyo mag la'aan? Waxa maah-maah kale ahayd " Nin-ba Camal-kiis Caani-hiis Maal" Akhristaw waxan hadaba uga socdaa, qof walaab wixii uu dhitaystay, buu gadaal ka dhadhamiyaa iyadda oo aan laga abaasha-nayn, ee ay khasab ku tahay doorasho la'aani, xumaan iyo samaan kii ay ahayd-ba kaydkii u sii yaalay.
Yaan kugu badinin aaraar-tane, ku soo dhawaw nuxurkii maqaalkan. Murti baa waxay leedahay " Nin-ba tacabkii talooy kaa maal" Waa maah-maah wax badan iftiimi-naysa, oo aan laaxin laga jarayn, maantana haysata askartii dalkii aan dib u xorey-sanay, ee aan qori caaradii ugu la soo noqonay, dagaalka ku bilaabay iyadda oo aanay sanad gaadhin, si aanu uba cago dhigan, ilaa iyo maalin-taasna, waxay wadeen is nacsiin, kala qoqob, isku dir, foodda isu gelin ah beelaha Somaliland, colaad abuur, naxli iyo cuqdad kala qaad-siin, burburinta somaliland. La idiin sheegi maayo, wixii ay ku samayn jireen ama kula kici jireen afartii madax weyne, ee kala ahaa:-
(1) Abdirahman Ahmed Ali ( Ihun).
(2) Mohamed Haji Ibrahim Egal ( Ihun).
(3) Dahir Riyaale Kahin ( Illaah caafimaad, nabad gelyo iyo cimri dheer ha siiyee).
(4) Ahmed Mohamed Siilaanyo ( Rabbi caafimaad-kiisii dib ha ugu soo celiyo'e).
Muwaadin waxay dalka ka dhigeen, ee ahaa bello, qas, rebshedo, kala eri, ee aynu ka degi weynay sodonka sano, ma cid aan iyaka ahayn baa waday? Miyuu daah kaa saaran yahay? Waa kuwaas ilaa imikadan inagu wadee? Ee ay raaf ka riixi waayeen madax-weyna-yaasha aan sare ku magacaabaye, ummad yahay cidna kama qarsoona hadii aan la is yeel-yeelayn, oo aan indhaha la iska soo ridayn.Ma jiro Xusbigii la odhan jirey "Kulmiye" ee wuxu dhalay mid la yidhaaho " Qudhmiye" Markii uu xanuun-saday rabbi caafimaad ha siiyee " Madax-weyne Siilaany, Ee ay ugu dhaceen shooladda labadda askari " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximani" Baa ugu dambaysay magacii " Kulmiye, ka dibna si toos ah waa kuwii uga dareeray raggii-ragga ahaa, oo ay ka mdi ahaayeen:-
(a) Maxamed Biixi Yoonis,
(b) Xirsi xaaji cali,
(c) Abiib Tima-cad,
(d) Ismaaciil Yare
(e) Cali Cawaale,
Lama soo koobi karo dhamaan-tood, ee waxan idiin siiyey intan tusaale ahaan. Ummad yahay waaggii berya-ba, haddii aad nooshahay, wacdaro cusub iyo wax aan loo fadhiyin baa ku soo mara'e, Intii hore-ba shaw waxay ahayd saleello. Waxa la yidhi " Caana-haan fiiqsi loo dhamin iyo hadal-kaan fiiro loo odhan, labdu-ba feedhaha bay wax yeelaane" baaqiggii hadhay, iyana haday ooda rogteen, oo lagu kala dareeray " Qudhmiye"
Waxa al-baabadda laga soo xidhay, oo si badheedh ah loo yidhi la idiin ma baahna, hadii aydaan ogolayn in sidaan doono idinka yeello, Raggii u ahaa udub dhexaadka wixii dalka khasaare la gaadh-siiyey wakhti-yaddii dambe, kuwaas oo kala ah:- Qabyo-ire, Ina Xaashi, Axmed muumin seed, saylici, Cali mareexaan, Siilaanyo oo isna u shiraacday Imaaraadka iyo qaar kaloo badan. Gabay baa waxa ku jirey " Naagahaa dhankii loo rido iyo dhinacna diidayne, dhedig-shiin-yahaa lagu arkiyo, dhiiga caadada'e, hadaanay dhaydda caanaha lahayn, lama dhaqaa-jeene" Waxan idin leeyahay, dib haw sii jeclaysa-nina Qulmiye, ee siddii raggii hore yeelay u soo gala mucaaridka, haddii kale halkaa ka jawleeye oo waa nala xumeeyey uun la waraaqa, oo u sii jaba, wax idiin hadhay ma jiraane.
* N.B Godob Sidaan Qabaan,Gama Diidayoo, Nabsi-gaan Godlaa I Guhaadiyee!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!