Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay2020 (3aad) W/Q Siciid Gahayr

0
Thursday September 10, 2020 - 10:00:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay2020 (3aad) W/Q Siciid Gahayr

    Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siciid Maxamuud Gahayr





"Hannaanka Gurracan ee Loo Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed + Habkii Ay Ku Qummanayd In Lagu Bilaabo (Xeerarkii Gaarriye iyo Carraale”

 

Jiiftadii waxa lagu xigsiiyay gabayga oo ah Miisaanka Carraale, tirooyin ayaa la socda keliya, lama caddayn inay yihiin alannada iyo shaqal-dheereyaasha, in labada qaybood yihiin hojis iyo hooris lama kala iftiimin.

 

Keliya waxa la qoray

Carraale iyo gabayga

  7:5 waa soo sidnaa xeedhyihii                                                        saabka loo tolaye 6:2

 

Iyada oo shan tusaale oo aan hadal la socon laga qoray miisaanka Carraale ee gabayga ayaa loo gudbay soo-koobid ah shan nooc oo jiiftadu u dhisanto ahna aragtida Carraale.

 

Waxa lagu xigsiiyay miisaanka gabayga iyo jiiftada ee Gaarriye, lama wada xusin xeerarkii uu dejiyay. Waxa la yara xusay xidhiidh ka dhexeeya dhawr ka mid ah badaha maansada oo Gaarriye qeexay, waana saddex badood oo qudha: mullaax, jiifto iyo haanta. Shaqal-qaab uu Gaarriye xundhurta u bixiyay ayaa la carrabbaabay oo jiiftada badhtankeeda gala, lama faahfaahin in uu muhiim u yahay dhismaha jiiftada oo aanu halkaas geli karin shaqal-dheere.

 

Mararka qaarkood waxa la is dhex dhigayaa miisaanka Gaarriye ee Jiiftada iyo haanta. Labadan meeris ayaa la isku hoos qoray:

Maansadu sad weeyee

Haantii qabooy qoor yar

Habka uu Gaarriye u miisaamay gabayga ayaad ugu tegaysaa bogagga 20, 21 iyo 26 Maxaa keenay in qoraal isku mid ah la soo celiyo?

Halkii ay ahayd in la isku xigsiiyo godadka isku bahda ah sida: Guugguule, Mullaaxda (Dabahuwan), Jiifto, Haanta , Cawska, Gabayga iyo kuwa kale, kolba kii la doono ayaa la soo qaadanayaa.. Xitaa bareyaasha ayaa ku dawakhaya inay fahmaan xidhiidhka ka dhexeeya godadka maansada.

 

Waxa aad bogga 23aad ugu tegaysaa Miisaanka Batarka, adiga oo 18-19, 20, 21 iyo 22 ku soo dhaafay Jiiftada, maxay kala yihiin? Jiiftadu waxa ay ka soo jeeddaa maansadii lagu dheeli jiray ciyaaraha batarku ka mid yahay, meerisyada batarka iyo jiiftadu waa isku mid. Markaas miyaanay ahayn in isku meel lagu qoro? Ardaydu sidee ayay u fahmayaan miisaanka wax isku mid ah oo laba laamood laga dhigay? Batarku ma god-maanseedbaa mise waa ciyaar-dhaqameed?

 

Meeriskan batarka lagu dheelaa saw jiifto maaha:

Batar waa nin bawsaday

Nimuu beerka kala jaray

 

Waxa batarka loo dhaafayaa geeraarka oo aragtida Carraale ah, kuna bogga 24aad, haddana isla boggaas ayaad ku arkaysaa miisaankii gabayga e Gaarriye iyo Carraale, saw tii hore loo arkay? Maxaa soo celiyay? Miyaanu ahayn in gabaygu meel ku urursanaado? Illaa 25-26 ayuu gabaygu soconayaa

 

Dhammaadka bogga 26aad ayaad ku arkaysaa miisaanka Heerrimaahee. Sida ay u wadaan miisaanka heerrimaahee, oo tuducyadeedu yihiin:

Waxan dusheennu waa roob

Waxan hoosteennu waa rays

Waxa uu bogga ku xiga ee 27aad ku bilaabmayaa miisaanka heesta kebedda. Ma xidhiidh ayaa dhismahooda ka dhexeeya? Ma laba aan la isku sidki karin ayaa la isku tolayaa? Ma casaan iyo cagaar baa isku midab ah?

 

Marka ay miisaanka saaraan hal sadar oo kebedda ah, waxa lagu laabanayaa geeraarkii lagu soo dhigay bogga 24aad, hadda garo oo imaka 27aad ayaa la marayay. Maxaa dib inoo celiyay? Miyaanay ahayn in geeraarka meel qudha lagu wada sharxo?. Miisaanka maansada waxa lagu soo qaaday 13 bog oo wax la’, kuwaas oo u nidaamsan si isku cayn iyo bayd goan. Halkaas ayaa lagu dhaafayaa, waxa la raacinayaa doorka xaraf-raaca ee dhismaha maansada.

 

Miisaanka maansada ee ku qoran buugga la soo saaray 2020 laguma xusin godadka xidhiidhka leh ee caddaloolka, baarcaddaha/saarka, sabaalada iyo dhaantada/hirwada/balwada/heel lada oo ku jiray qoraalkii Gaarriye iyo buugga Carraale labadaba. Keliya jiifto, gabayga, geeraarka, mullaaxda, heerrimaahee iyo kebedda ayaa lagu soo qaadanayaa iyaga oo kii la janto la soo qaadanayo, haddana laga boodayo isaga oo badhtanka lagaga jiro.

 

Lixdaas god ee isku mulaaqan iyo meeris badda haanta ah oo la dhex dhigay jiifto ayaa gebi ahaan lagu soo qaadanayaa miisaanka maansada. Inta laga gudbo ayaa muhiimadda xaraf-raaca lagu dhaafayaa cutubka labaad ee sida qaldan loogu magacaabay miisaanka maansada. Qiimihii iyo fahankii miisaanka maansada ayaa axankooda laga dareeray, waana geeddiga ugu qaabka daran buugga.

 

Ugu yaraan waxa habboonayd in dhigaalka miisaanka Maansada la raaciyo xeerarkii Carraale iyo Gaarriye oo kala ahaa sidan:

 

Miisaanka Gaarriye

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye” markii uu dejinayay miisaanka maansada ee uu soo saaray, waxa uu u dhigay shuruudahan:

1.Ereygu waxa uu ka kooban yahay shaqallo iyo shibbaneyaal. Labaduba miisaanka waa ay sameeyaan

2. Shaqalka gaabani waxa uu qaataa (1), shaqalka dheerina waxa uu qaataa (2)

Tusaale ahaan:

 

Adiguna Gobaadeey

1   1  1  1    (1)  2    2 (9 shaqal)

Qurux baad u tahay gabadh

  1  1    2    (1)   1  1     1  1  (9 shaqal)

3.(ay) iyo (aw), labadaasi waxa ay mararka qaarkood u dhigmaan sidii shaqal gaaban, marna waxa ay u dhigmaan sidii shaqal dheer.

 

Sida:

Khayr: Kheer

Jacayl: Jaceel

Masayr: Maseer

Towbad: Toobad

Hawd:    Haad

 

4. Xarfaha C, K, S, Sh, K, T iyo J, meesha ay galaan waxa ay u dhaqmaan sida xarfaha labanlaabma. 

Tusaale ahaan: Eeg labadan meeris

Hadal looma baahnee

Ballankeennu waa xalay

 

Haddii halka uu xarafka (L) ku jiro lagu beddelo xarafka (Sh) waxa aad dareemaysaa in uu laaxin ku yimi meeriskii:

Ballankeennu waa bisha

 

Mar kale eeg meeriskan:

Inanteennu waa bilan

 

Haddii halka uu xarafka (L) ku jiro lagu beddelo xarafka (S) waxa aad dareemaysaa in uu laaxin ku yimi meeriskii:

Inanteennu waa bisad

 

5.Inta aanad bilaabin miisaanka maansada, waa in aad garanayso godka/badda maansada aad miisaamayso.

6.. Waa in beydka aad miisaamayso aad u qortaa si sax ah.

7. Waa inaad beydka sida loogu dhawaaqo u qortaa.

8. Waa inaad la kaashato cid dhegta ku garanaysa laaxinka ku jira maansada


La soco qormadaa 4aad haddii Alle idmo.


Siciid Maxamuud Gahayr

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...