Heerarkii Uu Soo Maray Ururka OTF
Horraantii 1980s kii waxa dalka ka jiray Urur la odhan jiray UFO gaar ahaan magaaladan Harageia Ururkan waxa uu is xilsaaray wax u qabashada bulshada dayacan ee markaas ay ka gaabisay xukuumaddii Dalka ka talinaysay,waxayna shaqo ka bilaaben Cusbitalka Hargeisa sida nadaafadda iyo sariiro ay la kaashadeen Urur Jarmal ah waxayna la baxeem Magaca "Hargeisa Group Hospital” oo ah magaca Hadda loo yaqaano.hase ahatee kumay nabad gelin waxana xabsiga laga buuxiyay dhalintti hormuudka ahayd iyadoo lagu eedeyay Qodobka article 54 ee dastturka Somalia oo ahaa samaysasho Urur qarsoodi ah oo ahaa Qaran dumis.waxay nabad sugidda Somalia ee NSS awood u kahayd in maxkamad la’aan la dilo,xabsiga la dhigo,ama ciqaab la mariyo qofkii la doono.
Ka dib ururkii kacdoono ayuu abaabulay lagu diidanyahay taliska dalka ka jiray xiligaas iyagoo is kaasha shanaya ururkii kale UFO,dhagaxtuur ayay abaabuleen ka dib sidii ayuu halganku ku bilaabmay waxanay dhalintaas intoodii badnayd ku biireen halgankii SNM ee looga xoreeyay dallka sanadkii 1991kii.
Dhowaan waxa shir isugu yimid dhalinyaradii waagaa ururka asaastay oo Runtii haatan Waayeel u badan woxoodii ka noolaa iyagoo isaga kala yimi daafaha caalamka, waxayna shir isugu yimaadeen magaaladan Hargeisa waxayna boodhka ka tumeen ururkii xilligaa jiray si aan midhohoodii tacabkooddii ugu yaraan lumin,Ururkana siddi hore laga ballaadhiyo oo uu goboladda laamo ku yeesho.waxanu la baxay (Organisation of Twenty February OTF)
Maanta Ururku wuxuu ku soo noqday wixii la abuuray asalkiisii hore waxa uuna ka shaqayn doonaa dhinacyada Adeegga caafimaadka,taakulaynta dadka tabaalaysan iyo samafalka,taariikhda dalka loo soo maray uu u gudbiyo da’ yarta iwm.wuxuna wax ka gaystaa Cusbitalka dhimirka,naadafadda guud iyo fayo dhowrka,wacyigelintii Covid 19ka iyo dhamaan arrimaha bulshada.
Waxa si ku meel gaadh ah maamulka u sii haya
1- C/risaaq xaaji Yaaxeen Guddoomiye
2- Muuse macalin Qaasim ku xigeen
3- Kamaal c/laahi xussen xoghaye
4- C/raxmaan daahir Caynanshe Xoghayaha maaliyadda
www.oft.Somaliland.org
W/Q: Rashiid Odowaa
063-4101213
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!