Duuduub ama Doorasho ?

0
Thursday September 10, 2020 - 09:51:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duuduub ama Doorasho ?

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Sharafta Xisbiga Kulmiye iyo Kalsoonida Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga ayay ku jirtaa in shanta Kursi ee Hoggaanka sare ee Xisbiga dhamaantood lagu tartamo ama dhamaantood duuduub lagu ansixiyo oo lagu sharfo Masuuliyiintan imika ku fadhiya oo ah Shan Masuul oo hawlkar ah oo Xisbiga gaadhsiin kara guulo kale.

 

Shakhsiyan waxaan aaminsanahay in duuduub lagu ansaxiyo shantan Oday maadaama Madaxweynaha imika Talada hayaa uu Xaq u leeyahay oo uu Dastuurka Dalku u fasaxayo inuu mar kale isa soo sharraxo, sidaas darteed ay haboon tahay in team kan oo guushii hore dhaliyay lagu sharfo inay hoggaanka Xisbiga sii hayaan oo duuduub lagu ansaxiyo.

 

Dhinaca kale nusqaan iyo foolxumo ayay ku noqon kartaa Xisbiga Kulmiye in la yidhaahdo Kursiga Md Cabdiraxmaan Saylici ee Afraad oo kaliya ayaa lagu tartamayaa. Waxaa haboon in Shanta Kursiba lagu Tartamo ama Shantaba Duuduub lagu ansaxiyo.

 

Sidaas ayay ku jirtaa Danta Xisbiga Kulmiye iyo Danta Dalka Somaliland oo baahi aad u weyn u qaba in shacbigiisa la middeeyo lagana fogaado wax kasta oo Ummada sii kala fogayn kara.

 

Allow Eex ma tiraabine, Aqoon haygu cadaabin.

 

W/Q: Kaysar Maxamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...