Dulmi Bay Ku Bahawdee Ha Is Daaqdo'e Daawo ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday September 09, 2020 - 09:17:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dulmi Bay Ku Bahawdee Ha Is Daaqdo'e Daawo ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi- Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi- Shotaly.
Waxa hore loo yidhi " labadda xaaraanta ku heshiiyaa xaqay isku dilaan ama isku qabsa-daane" Allay-lehe haday mid-mid isu cuneen, kuwii Somaliland nolosha ku gawracay, iyadda oo sare taagana luqunta iyo afarta luguud gooyey. Waa aduun-yoo ilayn aayo ma lahee, qudhmiye ma is raa-saday, Maxamuud beenaale ( waa ka loogu yeedho maxamuud xaashiye) oo ah kii dalka iibshay, ee colaadda dhex dhigay, iskuna dilay Goboladda bari, labadda Guri ka siistay Birmingham iyo London ee seediggii ku qoray, Guriga weyn ee ka soo hor-jeedda Aqalka Madax-weyne Siilaanyo-na ka dhistay, Hargeysa-na lacagtii ay Dawaladda Kuwayt ugu tallo gashay in lagu dhiso "Garoonka Diyaaradaha Ee Burco" jeebka ku shubtay, lacag-taas oo dhamayd $5,000,000 oo ah doolarka Marsykanka. Sidoo kale,tiro ma leh iyo qiyaas mid-koodna, hantidda uu ka hoos saaray Xoolihii uu kaga iibiyey Imaaraadka dekedda Berbera iyo Garoonka uu ka xaraashay, Si uu Sal-dhig ugu noqdo. Maxamuud beenaale baa saaka cabaadkii iyo cabasho aan xad laayn ka waq siiyey, markii maantaa debedda loo tuurey siddii "Guuf Timiri ka dhamaatay" Markii ay labaddii askari ku meel gaadheen. Nabsi-yaw ba', durba qudhmiye ma isku baxay, saw kala dareer iyo tusbax go'ay muu noqon. Rabbi wax-ba kama qarsoonee, haday kala war sheekoodeen, oo khiyaamaddii iyo dabinkii ay ummadda ku lugooyeen, ay haatan isku haystaan, xaalku taagan yahay car iyo car, ee uun Allaw isu daawadda " Qidhmiye" oo cagta saarau dhabaddii hooga iyo burburka, yaa ka naxaaya ee ay u waramayaan? Ma shicibkii ay u wadda heshii-yeen? Sireey soo caad oo saddex ha gaadhin baa murtiyi ahayde, Maxamuud beenaale baa maanta daadku qaaday. Denbi bay ku bahawdee, ha is daaqdo'e daawo.



Wan weyni ilaa la gawraco, indhi-hiisu cirka ma arkaane, si wacan u arag, oo dhaaya-haaga ugu eeg, in geeri go'an taayi-raddii ay kaaga ban-jareen. Horaa loo yidhi " Nin cunaha la qabtay, xaar ama dhuusye" Bal noo sheeg maxaa kaa yimi? Nabsigu wuxu is daba yaalaa iyo godobtu-ba', sidda daruuraha cirka iyo dabay-shaas weeye, waa taas xaga samadda Rabbi uu ugu jaray caynkii iyo bayddii, ee sidihu cidla ugu go'ay tuugtii isu urur-satay ummadda.Wuxu yidhi Cali Dhuux (Ihun) " Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu daraan jiraye? Bal dayaay Maxamuud Beenaale wa kaa isna sii dabay-shadaye" Af buuxa baa lagu yidhi siddii caruurta " Ka bul dheh sheekhaw" Wax-ba meesha kumma yaalaane. Akhristaw, Hal-hal bay kuwii ku bahoobay tuug-nimadda, beenta, dhaca hantiddii ma guur-tadda ahayd ee ummadda. ku shuraakooay. Wax la isku xan qarsada-ba, oo balan-koodu ahaa qaataye-qaado, markii ay gunta isla gadheen, baa muwaadin imika la isku haystaa " Xeedha sal-keeddii" oo mid waliba fandhaan aan cidi la wadaagin uu rabaa in uu keliggii ku dhuuqo, ilayn waxa soo gaba-gaboobay, oo kor uga soo baxay qudhunkii la isu dhiibaayey. Imika bay askartii iyo Ina Xaashi isku riix-riixayaan, wixii ay malma-luudeen ee xeerka ay ka dhigteen, kaas oo dalka iyo dadka lagu khiyaameeyey, ay leeyihiin sidan buu ahaa iyo sdaa muu hayne sidaas buu ahaa. waxan leeyaha Maxamuud beenaalaw dameero u sheeg xeerarka aad akhriyeyso, adiga Iyo ka aad sheegaysaa, waxad tihiin kab iyo xaar-keede.


Waxa la yidhi " Dacawo halkay macal ku barato, bay macaluul ugu bakhti-daaye, marki lagaasoo af qabtay, miyaad qaylo ka wadhay?" Qudhmiye bilaa faataxa ayuu dhabarka jeediyey, isaga oo aan la maydhin, kafan lagu xidhin, oo qaawan buu iilka si wacan isugu aasay. Shalay waxa ka sii horeeyey " Qabyo-tire" Oo al-baabka laga soo xidhay, inta weliba askar loo dalbaday ay iska hor taageen, lagu yidhi ma soo geli kartid, isaga oo uu la socdo Suldaan-kiisii, wixii wadha-dhac ka baxaayey iyo sidan baa la igu sameeyey-dda jooji, ka wadda markhaati baad tihiin, haddii aad indhaha iska tuuray-saan iyo haddii kale-ba. Jeegaani way burburtay, marya-alool isna meel uu jaan iyo cidhib dhigay lama hayo, intii ugu dambaysay ee lahayd " Xeedhadda sal-keedda subug iiga muuq-daa" iyana waa kuwaas kala yaacay, Cali Gurey oo xil-doon ahaa isna waa looga qoor gooyey. Jamaal Cali Xuseen isna far-yaro bidix buu siddii jinka ka baxay. Waxan ku soo af-gooyey qoraalkan, horaa loo yidhi, oo ay maah-maah u ahayd " Ninkii waraabe korsadaa, isaguu makalaa" Waa dhab, haduu Maxamed beenaale ku waashay " Askarigu abaal ma laha iyo mee heshiiskii kulmiye u yaalay. Waxan-se u sheegayaa ama aan odhan lahaa" Waar cataabka iska daa, way kuu dhamaatee, oo ha ka daba ooyin ee ka tasho, waa haddii ay in uun kugu hadhay maskaxi, waa habeenkii xalay in aad meel kale uga soo dusto, siddii aad meel uga heli lahayde, aan kula taliyee ka dal doorso, oo ku soo biir mucaaridka xaq u dirirka ah, inta goori-goor tahay yaan bas kale kaa tegine. Meel dhimatay ha ka dhul sugune.
* N.B Dacawo Halkay Macal Ku Barato, Bay Macaluul Ugu Bakhtidaa!

Qore:- Abdi- Shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...