USC Ayaa Riday Dawladii Somaliyeed, SNM-na Waxay Ka Mid Noqotay Dadkii La Xoreeyay.

0
Wednesday September 09, 2020 - 09:08:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    USC Ayaa Riday Dawladii Somaliyeed, SNM-na Waxay Ka Mid Noqotay Dadkii La Xoreeyay.

    W/Q: Axmed Aadan Xuseeen.Luton Uk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed Aadan Xuseeen.Luton Uk

Sidii Jabhadii Ssdf  ayay SNM iska  soo xerootay markii Jabhadii xooga waynayd ee USC,badhtanka u fadhiisatay Caasimadii Somaliyeed ee Muqdisho,Jaale Siyaadna orod ayuu kaga baxay magaalada Muqdisho.SPM dagaalkaasi qayb ayay ka ahayd.Jabhadii USC intii kuma sii joogine,waxay socotay ilaa Kismaayo oo Jaale(Aun) kaga daba tageen,aakhirkkina wadankaba way ka saareen.Arinku maaha may guulaysteen mise way qasaareen?



taasi waa su'aal u baahan in lays waydiiyo,laakiin waxaan ka hadlaynaa,yaa ujeedkii uu u  dagaalamayay gaadhay? waxaa la hubaa in Usc  gaadhay ujeedkeedii oo ilaaa maanta ay gacanta ku hayaan kurisigii Madaxwayne nimo ee Somaliyeed.Haa,way ka maqanyihiin haatan hogaanka laakiin aqoonsigii dawladnimo,caasimadiiba iyaga ayaa haysta.

 

wadanku sida uu u dhanyahay wuxuu ku dhacay bilaa dawlad,Somaliland waxay ka mid  ahayd dhulkaasi Somaliyeed ee bilaa dawlada noqday.Dhulkaasi waxaa ka mid ah;puntland,Jubaland,K'Galbeed,Galmudug,Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir.Intaaba waxaa xoreeyay Usc.Jabhadaha kale ee Somaliyeed uma dhawaanin Caasimada oo degaan umay ahayn,xoog ay ku gaadhaana may lahayn.

 

Hadaba.Jabhadii Snm ee iyadii la xoreeyay,kusii talax tagi maayo,laakiin waxaan leehay;adeer Ssdf-ba way iska aamuseene,naga aamusa oo beenta ka daaya caruurta.Hadii dagaaladii sokeeyey ee Somaliya ragaadiyay laga dhigo kuwo lagu xoroobay,Usc ayaa wax xoraysay.Muuse iyo Ina Kaahina waxay ku jireen dadkii la xoreeyay.

 

 

W/Q: Axmed Aadan Xuseeen.Luton Uk

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...