'' Joe Bidden Ma La Doodi Karaa Donld Trumpp ''.

0
Tuesday September 08, 2020 - 10:05:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Joe Bidden Ma La Doodi Karaa Donld Trumpp ''.

    Sadex doodood ayaa u qorshaysan musharixiinta Xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamuurigga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadex doodood ayaa u qorshaysan musharixiinta Xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamuurigga

ee wadanka Maraykanka , sadexdaa doodood oo ku kala mudaysan 29-September 2020 iyo 15-22 October 2020 , dooda ugu horaysa ee 29-september 2020 ayaana ka dhici doonta Western Reserve University in Cleveland, Ohio.

 

Doodaa dhex mari doonta ayaa daraasad lasoo bandhigay oo ay sameeyeen jaamacaddu Maraykani waxay ku shaaciyeen in dadkii la waraystay 47% ay sheegeen in Trump ku guulaysanayo dooda halka 41 % ay sheegeen in Biden ku guulaysanayo .

 

Dhinaca kale , dadka la waraystay ayaa 35 % kasoo jeedey xisbigga jamuurigga halka 32 % kasoo jeedeen xisbigga Dimuqraadigga halka 27 % dhex-dhexaad ahaayeen .

 

Dadka dhex-dhexaadka ahaa ee la waraystay ayaa badankoodu go'aansadey in ay jecel yihiin in ay u codeeyaan Joe bidden hassa yeeshee waxay dhanaca kale sheegeen in doodaha soo socda ay iska cadahay in Trump kagga adkaanayo doodaha ninka la tartamaya .

 

Si kastaba aha ahaatee , Donld trump ma haysto shahaadooyin sarre oo jaamacadeed marka lagga reebo Degreegi u horeeeyey oo ku qaatay dhinaca dhaqaalaha , siyaasadana waxaa ugu horaysay 2016 markii uu isu sharaxay jagaada madaxwaye ee uu hadda ku fadhiyo una tartamayo kalkii labaad , halka Joe bidden haysto 3 shahaado oo jaamacadeed oo laba ka mid ihi tahay Master , sidoo kale Joe biden wuxuu ahaa Seneter ka tirsan aqalka odayaasha ee wadankaasi maraykanka tan yo 1973 , waana Profaysar jaamacadaha wax ka dhigga .

 

Kala duwanaanshaha labada oday ayaaa loo sibir saarayaa in Trump yahay nin dhiiran indho adag oo wuxuu doonayo si toosa u sheega isagoo aan ka warwareegin halka Joe biden ka yahay nin xishood badan oo aan hadalka si cad u sheegin .



W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...