Yaa u Hadhaaya Aduunka??

0
Tuesday September 08, 2020 - 09:34:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa u Hadhaaya Aduunka??

    Dunidan kuma waarto ciddiye Ceeb la'aan kaga tag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dunidan kuma waarto ciddiye Ceeb la'aan kaga tag

Dunidan aynu ku nool nahay waa mid jirtay inkabadan Malaayiin Milyan oo sanadood, intay jiridoontana eebaa og, se hubaal aadamaha markuu ka guud madho dhulku wuu sii jiri,Maxaa yeelay Aadamaha hortii marbuu Dhulku ahaa dhagax dhamac ah oo fadhfadh leh karka iyo ololka kabaxaaya aad Is odhanlahayd meeshan weligeed noolo kuma noolaanaayo, balhadana waatii lagu guud noolaaday ee aduunkii dhagaxaanta karaysay ee shiilmaysay isku bedeshay Mar meel biyo qarqiyeen ee dul ceegaageen qarniyo, ee dhul beri ahiba jirin, marbuu Baraf dhulkan dul tuulnaa cidhif ilaa cidhif oo aad qabawga yaabaysay, marbay Dhulkan ay Ku noolaayeen xayawaan aad u laxaad weyn oo weynaan waxay ka qabeen Maroodigu Qudhaanjo waxba ugamuu dhaamin, Malaayiin sanadood ayey Ku noolaadeen se siddaad u rumaysataa adag waayo raad la'aanta ay Dunida kaga tageen awgeed,



Marbay dhulkan ku noolaadeen ummad aadame sawaaban ahi oo quruumo kala duwan lahaa , marbay Aduunkan ku guud noolaayeen ummad  aad u dhaadheer oo dadka haatan nool ruuxooda ugu dheer iyo ilmo dhashay hada isku noqonayeen, marbay Aduunkan ku cartami jireen qoomiyado wax ismooday oo ay cardaaduqaha iskaga dhigayeen, marbay Aduunyadan rag Ilaahyo sheegteen Sidda raggii fircoon oo Kala ahaa maantana isaga oo raq qombobtay ah ayaa la daawadaa bal cibaarada aduunka!,


Marbay Aduunkan Boqortooyooyin awood sheegtay dhul baaxad leh isku fidiyeen maantana aasaar ay Ka tageen mooyee ummad dhaqan oo afkoodii Ku hadlaaya aan Laga hayn aayo la'aanta Aduunyadan,


Marbay aduunkan aadame nool lakala iibsan jiray oo Lays adoonsan jiray, marbaa Aduunkan aqoon yaraan awgeed gaban yar oo dhalatay oo abaydin ah aan wax gaysan, ayaa nolol iil lagu xabaali jiray,


Aduunkan aynu ku noolnay intuu Aadamuhu joogay maxay Is xasuuqeen oo Is dhaceen oo Is dhalan rogeen oo aduunkii iyo cimiladiina fadareeyeen,wax walba oo fasahaad iyo basar xumo aduunka Aadamuhu Ku samaynaayo wax cusub MAAHA waayo ummadihii inaga horeeyey waxayna samayni may jirin aan aaladaha casriga ah ahayn,


Wixii rag iyo haween aduunka magac sheegtay ee waa'yo soomaray mid aduunyo Kala god galayna la aragyoo faraaciintii xabaalaha dahabka iyo duunyada Ku gurtay iyagii oo raq qombobtay ah waa taa dahabkii iyo duunyadoodii laga dul gurtay.


Nin wakhti waayadii hore aduunka ahaa ninka ugu maalka badnaa ayaa waxa laga hayaa marka aan dhinto ee lay aasaayo kafan hay xidhina ee sanduuq saxaarad ah igu Rida oo marka aad i god dhigaysaan labadayda gacmood dabada usaara oo dacalada saxaarada Ka laalaalida.!

SAA lagu yidhi waayo? Suu yidhi waxaan doonayaa in aan dadka tuso wixii aan Aduun, maal, Dahab iyo lacag aan lahaa anigoo Ka faro madhan in aan god laygu xabaalay oo waxba Ka qaadan inay arkaan baan doonayaaye!.


Haddal iyo dhamaan aduunka inta aadame Ku noolaan karaa waa mudo kooban iyo ayaamo tirsan, aduunkan Ku noolaanshihiisa aadamaha waa looga horeeyey xabkana in looga danbayn doono se waxa hubaal ah in aan lagu waarahayn wax walba oo camal aduunka guudkiisa lagu sameeyo ama aadame Ku dhaqaaqo waxa markhaati madoonto ah in ummadihii hore ka warkeeneen qaar halaag iyo hoog kala kulma iyo qaar lagu rogayba. Aduunku waa kii oo wax Ku cusubi ma jiro aan jiilasha isbedelaaya ahyn, sooyaalka taariikhda aduunkuna waa mid ciida hoos Taal oo la qodo iyo mid  asaartii ummadihii hore Ka tageen laga guud akhriyo. Aduunku waa ciid iyo Caro mudo lagu guud noolaado Cid u hadhaysaa oo aadame ahi aanay jiray imisa aw Hebel taajir ahaa oo gacmaha la hoos haysan jiray ayaa Ka godgalay oo la dhaxlay waa aduunyee, bal Qabuuraha Booqda waxa Hebolo jiifa aad Ku Cimro qaadataane!.


Waxaan Ku soo ood rogay aduunku waa maalmo kooban Dadka aduunka isasiiyee ka daba dhacay ee dulmi,khiyaamo, wax isdaba Marin iyo musuqmaasaq Ku ceeshayow adiga oo mudh iyo gacan ah ayaad timid Dunida saa qayd cad lagugu qabtay, adiga oo mudh iyo gacan ah oo qaydkii kafan lagaaga dhigayna waad Ka tagi, siddaa laajigeed aduunkan ruuxna Uma hadhaayo aan ilaahii sameeyey ahayn ee taa hala ogaado oo aakhiro halloo tudho!.


Dunidan kuma waarto ciddiye 

Ceeb la'aan kaga tag

Fuad Fartaag

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...