Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

0
Tuesday September 08, 2020 - 09:25:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso: Isdura. 1st Sep.2020. By: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

    Waxa curiyey: Maxamuud Ibrahim Jaamac (Xaaji)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa curiyey: Maxamuud Ibrahim Jaamac (Xaaji)


image.png image.png


1.    In dhoweyd ma doobiyin

2.    Mana ridin hub-doorkii

3.    Mana dirin farriin dedan

4.    Mana durin nin daacada

5.    Ma duqayn nin ii daran

6.    Mana digan sidii hebel

7.    Darbadaaley maan tirin

8.    Deel-leyna maan furin

9.    Maansadan isduraysana

10.  Iyadaa isduraysee

11.  Ninna kuma aan durayee

12.  Deleb iyo shax weeyaan

13.  Waana danab sidiisii

14.  Iyo xogo dahsoonaa

15.  Iyo baadhis daacada

16.  Iyo dalab la saanyadey

17.  Waa digniine iga gunud

18.  Qalbigana u sii daa

 

19.  Dharaartii deryaankiyo

20.  Digtu weyni yeedhee

21.  Derisyadu colloobeen

22.  Dharaartii dukaamada

23.  Dukum-daakum laga dhigay

24.  Dharaartii la diirtee

25.  Dugsiyadii la dhalan rogey

26.  Dharaartii la dabar jaray

27.  Kaydkiyo diwaankii

28.  Dharaartii rag dacas lihi

29.  Duqii talada hayn jirey

30.  Deyrka uga daateen

31.  Dharaartii dirsoociyo

32.  Dakanadu biloowdeen

33.  Dhararaatii dadnimadii

34.  Loo rogay dugaagnimo

35.  Dharaartii damiirkiyo

36.  Damqashada la oofsaday

37.  Dharaartii dikriga iyo

38.  Diintii la baal maray

39.  Dharaartii hablaha dedan

40.  Duuflaalku beegsaday

41.  Dharaartii la kala diday

42.  Sida deero iyo cawl

43.  Dharaartii darxumadiyo

44.  Diiftu ay midoobeen

45.  Dharaartuu dalkeenniyo

46.  Dildillaacay qarankii

47.  Ubadkay dihanaysiyo

48.  Dulmar iyo ninkeedii

49.  Dharaartay dayowgii

50.  Dalanbaabigii dhacay

51.  Midba uu doc beegsaday

52.  Ee la kala dillaamee

53.  Dalandoolay geeddigu

54.  Yaan Daa’in tiisii

55.  Sidii geel dibboodoo

56.  Uu waraabe didiyiyo

57.  Awr dabar la’aan dhacay

58.  Anna aan dayaankii

59.  Weydaartay deyrkii

60.  Hayeeshee ma'aan degin

61.  Derintiina maan dhigan

 

 

62.  Muddo waxaan diboodoo.

63.  Aan duleedka meeraba

64.  Waxaan cadho daraaddeed

65.  Dibnahayga ruugaba

66.  Wixii aan sidii diin

67.  Aan diraaco soomaba

68.  Wixii aan war doorliyo

69.  Ku ii daran dhegeystaba

70.  Waxaan damaca uurkiyo

71.  Isku tolo dantaydaba

72.  Waxaan doonistaydiyo

73.  Da’da xeer u kala qoro

74.  Wuxuu dookh i hago iyo

75.  Wuxuu calafku diidaba

76.  Waxay dihato laabtiyo

77.  Waxay runi duduucdaba

78.  Ceel dawray waal hore

79.  Dawlis waxaan u tuuraba

80.  Dig waxaan istaagiyo

81.  Debci waxaan idhaahdaba

82.  Waxii aan durduriyiyo

83.  Darandoorri waxaan galo

84.  Waxaan dawanka yeedhshiyo

85.  Waxaan dega idhaahdaba

86.  Danbar waxaan ka leefiyo

87.  Waxaan dhaqayo duugaba

88.  Sidii dibigii doollood

89.  Waxaan dadab u boodaba

90.  Waxaan tebo dalkeeniyo

91.  Derbi wuxuu nakala xidho

92.  Anoo duudda sare iyo

93.  Dusha fooqa oogada

94.  Daymada jalleecada

95.  Isha doojinaayoo

96.  Inta duusha samadiyo

97.  Daawanaaya haaddoo

98.  Shimbiruhu duryamayaan

99.  Saw dabayl udgoon iyo

100.              Laaydh debecsan maan urin

101.              Saw dareen nuglaa iyo

102.              Dacar iyo ladh may kicin

103.              Saw doog ma xadantayn

104.              Iyo nabar dahsoonaa

105.              Saw maalin dabadeed

106.              Nafta dood lamaan gelin

107.              Saw doonisteedii

108.              Durba uma hoggaansamin

109.              Saw degelkii kuma furin

 

110.              Weligii dekaan iyo

111.              Safar daal ma waayee

112.              Nin dal dheer u haajirey

113.              Isna dayma-daymiyo

114.              Didmadaa u sii dheer

115.              Xaajadu delleganaa

116.              Isdiidooyin badanoon

117.              Ku dayoobay badanaa

118.              Wax is duraya badanaa

119.              Is duqayntu badanaa

120.              Duurxulistu badanaa

121.              Dabin qoolan badanaa

122.              Diric sheelan badanaa

123.              Dadku qoonsii badanaa

124.              Duryan iyo war badanaa

125.              Diradiruhu badanaa

126.              Isku digasho badanaa

 

127.              Malaa waad dayoowdiyo

128.              Waabad yara duqaysiyo

129.              Shaki baa i dubuq yidhi

130.              Ha degdegin misna is idhi

131.              Malaa xaajo dedan iyo

132.              Waxa jira duruufo’e

133.              Mar is idhi durduro orod

134.              Dubur hawd ka sii aad

135.              Marna idhi dan ha u gelin

136.              Duni beer ka raran iyo

137.              Dabayaaqo weeyee

138.              Dabciyoo haddana dhigay

139.              Kana eegay daan kale

140.              Duqii reerka hagayiyo

141.              Ninkii ugu da’ weynaa

142.              Daaskiisii beegsaday

 

143.              Goor duhura weeyaan 

144.              Waa salaaddii dabadeed

145.              Waxaan idhi Ducaaloow

146.              Daacadnimo xogta isii

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...