KULMIYE Maxamuud Xaashi La'aantii siima jiri karayo..W/Q Suxufi Calimahdi Jibriil Xasan
Haddii aan inna wax waayo’aragnimo ah u leeyahay waxna ka aqaano Siyaasadda guur guurta ee Somaliland oo aan ka waramayay tan iyo 2011-kii, Xisbiga KULMIYE la yidhaahdo oo Siilaanyo ka fadhiistay sidoo kale Ardaygii ugu wanaagsanaa ee Madaxweynihii horena wax ka bartay Siyaasadda Somaliland-na saamayn weyn ku leh Maxamuud Xaashi isna uu ka maqanyahay ma sii socon karo taas bedelkeeda waa burburayaa.
Sida muuqata Maxamuud Xaashi wuxuu u arkaa shirka KULMIYE "Aroos uu Madaxweyne Muuse dhiganayo”, Maxamuudna ma aha Siyaasi nin kale ka daba Mushxaradi kara sidoo kale ma noqon karo nin Sacabka u tumaya Madaxweyne Muuse Biixi sida ragga kale ee shirka ka qayb galaya nin wax loo yeedhin karona ma aha sidaa darteed Xaalku waa Jin ninkii keena baa Saara waxaan qabaa codkii muuse ku soo baxay 60% in Maxamuud Xaashi keenay waayo weriyeyaashii KULMIYE la soconjiray safarada baan ka mid ahaa, iminka 60-kii iyo 30% oo kale,cadhooyin kala duwan ka qaaday Hogaaminta Madaxweynaha ayaa banaanka ku sugaysa Siyaasi Maxamuud.
Kulmiye Siyaasaddii uu kaga adkaaday Waddani iyo Ucid tii Maxamuud Xaashi bay ahayd ee ku bilaabantay ka reebistii Muuse uu ka reebay Jamaal Cali Xuseen iyo siyaasaddii Maxamuud Xaashi codkii deegaankiisa isugu aruuriyay kulmiyena ku hubsaday.
Ilaahay baa ina dilayee ma Axmed Cabdi dheere, Maxamed Kaahin, Xildhibaan wadka ayaa cod u keeni kara Muuse mise Cabdilaahi Abokor, Maxamed Cali Bille iyo Xasan Gaadhi ayaa umadd hor istaagi kara, taasi waxay cadaynaysaa in xisbigu sii socdo.
Sida aan anigu qabo amaba hadii aan wax ka aqaano ina xaashi Siyaasadda Maxamuud ma noqonayso Kulmiye ka bax oo xisbiyada Mucaaradka ah tag sida siyaasiyiinta looga bartay lkn waa mid xikmad ku fadhiyi doonta wax weyn dalka ka bedeli doonta, Aarsigiisuna ma noqon doono Waxbaan waayay balse waxay salka ku hayn doontaa "Anaa ku saaray kursiga isla anigaa kaa dejiyay”
Wax weyn ma aha Hadii Madaxweyne Muuse awooddiisa mar kale isku cimaamado lkn waxaa wax weyn ah is cimaamadaye Doorasho kale ma guulaysan doontaa.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!