Horumarka Dalka Turkiga, Qalinkii, Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan(Jaafaa)
Qalinkii Prof. Mohamed Ahmed Farah [Jaafaa]
Shacabka
reer Turkiya waxay leeyihiin taariikh aad u fac weyn oo xadaarad leh,
xalay waxey ii aheyd habbeen qiimo ii leh, waxan dheehday oo qalinka
usoo qaatay madaxweyne Ordugan, waxqabadka uu u qabtay dalkiisa iyo
shacabkiisa, kor uqaadida nolosha horumarka, iyo kaabayaasha dhaqaale
ee degdegsiimaha bulshadiisa uu u qabtay. Akhriste maqaalkan waxad kaga
bogan doontaa hogaamiyaha fiican ee cadaalad iyo daacad u noqda
ummadiisa inuu helayo kalsoonida shacabkiisa. Waxeynu hore usoo
sheegnay Wax
soosaarka Turkey 2013 wuxuu gaadhay tirilyoon iyo 100 milyaard, taas
udhiganta isugeynta wax soo saarka Sacuudiga, Iran iyo Imiraadka oo ah
wadamada ugu dhaqaalah xoogan beriga dhexe.. Maqaalkana waxeynu ku
dheehan doonaa qeybo kale oo ah waxqabadkii madaxweyne Ordogan.
1.
Turkey waxay dhisatay 35,000 Sheybaadh (laboratory), oo lagu baadho,
technology ga iyo macluumaad ka casriga ah oo muhiim u ah, iney ku
tababartaan da’yarta wadanka, heerkooda aqooneedna sare u qaadaya
2.
Ordogan wuxuu bixiyey deyntii lagu lahaa shacabkaTurkey, gebi ahaanba
ee bankiga aduunka, qeybtii udanbeysay wuxuu bixiyey bishii May 2014,
kadibna isagaa amaahiyey bankiga aduunka, lacag dhan doolar 5 bilyan!,
Wuxuu kusoo shubay bankiga dhexe ee dowlada 100 bilyan, xili ay
dowladaha waaweyn ee Europe iyo America ay lakufaa kacayeen mashaakilka
kadhashay deymaha, ribada iyo hay’adaha dhaqaalaha ee kacay.
3.
10 sano kahor Turkey dhaqaalaha kasoo galo waxyaabaha ay aduunka u
iibgayso wuxuu ahaa 23 bilyan doolar, maanta wuxuu maraya 180 bilyan
doolar.
4.
Ordogan waa kii cambaareeyey madaxweynaha Israel Shemon Pares oo shirka
isaga kacay ayadoo ay carab iyo cajami ba fadhiyaan, Gaza darteed.
5.Ordogan
waa hogaamiyaha Muslimka ah ee booqday Burma(Miyamar) isaga iyo
xaaskiisa, isagoo lakulmay, dadka muslimiinta ah ee wadankaas ku
dhiban.
6.
Ordogan wuxuu qabtey isu soo bax weyn, oo isugu yimaadeen 10,000
caruur 7 jir ah ayagoo kuwareegaya wadooyinka Istanbul si ay dadka u
ogeysiiyaan shacabkooda, inay 7dii sano ubuuxsantay oo laga bilaabo
maanta ay tukanayaan salaada oo ay bilaabayaan Qur’an akhris.
7. Ordogan
10 sano gudaheed wuxuu dhisey 125 jaamacadood , 189 iskuul, 510
dhakhtar iyo169 kun oo fasalo casri ah oo kiiba ay fadhiisanayso 21
arday
8.
Ordogan intuu xukunka qabtey, mushaarka shaqaalaha wuxuu kor ukacay
300%. Waxaa hoos udhacay shaqo la’aantii aheyd 38% ilaa ay gaadhay 2%.
QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH [JAAFAA]
ISTANBUL, TURKEY.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...