Meesha Kama Tage Wax-na Kama Tare ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday September 06, 2020 - 16:17:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Meesha Kama Tage Wax-na Kama Tare ( Abdi-Shotaly).

    [email protected]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[email protected]

Wax-ba uma soo kordaan Reerkii layli dhan-sadaa,nin u haamaha ka laayo mooyaane, ee aan idii hor mariyo'e, hadda ma u soo jeestay askarigii, in uu-baloodh-baloodh ula wareego guryihi yarta? Waxa jira wax-yaabo iskaga khaldan Maamul Gobleedka" Xaafad-tooyadda Hargeysa" waa beenta iyo munaafaqadda, tuugadda iyo siyaasadd, askarigan waalan iyo kuwa uu hor kacaayaa, siddii riyo ceel lagu sii wado oo aroor ah, ilayn bay u haradan yihiine ( Waa raggii ma adigaa ka hadhaye) iyo ka uu ku adeegto ee la yidhaaho " Geenyo Shaaximan" oo isagu bilaa caqli ah, aan illaah-ba goror ugu shubin madaxa dul saaran, sidda xoolaha la iska wato ee faaruqa ah, isakna maamusho oo kolba siduu doono u gaxaysto, siddii baabuur uu iska leeyahay, meesha uu farta ugu fiiqo-na madax-madax u gelaaya, weliba ay u sii dheer tahay Cuqdad iyo colaad beeleed oo ay heshiis ku yihiin, ilayn waa duul aan wax loo diran jirin, Markii Raggii-ragga ahaa ay dhamacdda ku dul jooji-yeen Af-weyne iyo ciidan-kiisii, ee aan la ilaawi karini waa la yaqaan waxay ahaayeen labadan maafush, oo muran kuma jiro hadaan la is yeel-yeelayn. Hadaan tusaale idinka siiyo ragaas waxa ka mid ahaa, Maxamed Mooge, Otto Biixi, Maxamed Cali, Ina Kood-buur, Xuseen dheere oo cadaalay iyo mandheera kala galay, Ninkii maalin-taas galay Bir-jeex ( Uh-ddii cadawga) wuxu ahaa Aadan Cade, Harag-waafi, Xasan kayd, Dhega-weyne wuxu ahaa ninkii watay Ciidankii Galay Hargaysa, Axmed Mire oo watay ciidankii 27/May1988 galay Burco, bal waxa su'aali ka joogtaa hadaba " Xagee bay jireen kuwan xaar-koodda kama dheera-yaasha ahi? ( waa labadda ku qoran sare'e). Markii mujaahidiin-taas dhabta ahi iyo qaar kaloo badani, ay isku laba rogayeen goobaha dagaalka la garanaayo.



Murti Somaliyeed baa waxay inoo fasilaysaa, Qofka aan wax loo diran jirin ama aan wax lagu halayn abid. Khasaare uu keeno mooyee, aan weliggii kob cagaar leh ka soo durdurin, faa'iido uu soo kordhiyaa haba joogto'e. Cuqdad iyo naxli beerka ka buux-samay uu dad gaar ah u qabo, ka sifahaas leh baa waxay ugu yeedhaan magaca ah " Meesha kama tage, wax-na kama tare" Waa nooca uu yahay kan Hargeysa gab-gab leh oo aan biyo is marini, siddii oday geelii ba'ay isku meeraysa-naaya "Waa Raggii ma adigaa ka hadhaye". Kaaga darane waxa u sii raaca nacnimo uu cawska ka badsado xoolaha, oo aan qarsoonayn haba yaraatee, taas oo ugu sii darsan tahay waalidda iyo cuqdadda. Haduu naf leeyahay, oo ay seedi u dhanaan tahay, meel uun uu dadnimo ka soo galo. si wax loogu furfuro buu caalamka biilka siiya wax ka dhegaysan lahaa, yaase siinaaya maskax-daas waa jaahli-kaas dhegaha xidhane. ee akhristaw xataa waxa aanu garanayn dan-taadda ka raaco, ilayn awelba dal iyo dad naf umuu hayne, isaga iyo inta maamulka la wadaagta baa waxa yar-na jeebka ku shuban jirtaye, saw maaha kii la yidhi " In kastoo la hagaajoo, hu magaalo la saaro, halyey iyo mujaahid looqgu dhawaaqo, hareeraa laga raaco, jaahil waa iska jaahiil", Waa kanoo kale ilayn waano dhalan baa ka adage.


Maalin-ba ta ka dambaysa, waxa ku soo maraya, odhaaho hore ay u yidhaaheen dadkii aynu ka soo farcanay, waxa-na ka mid ah " Ragna waa ragii hore, hadala waa intuu yidhiye" waxan uga socdaa muwaadin. waxa ka mid ahaa Maah-maahihii aynu ka dhaxalay " Dhurwaa Wax cun mooyee, wax dhaq ma yaqaano"Adoon meel fog-ba ka eegin, waa caynka ay yihiin labadan askari ee gaajo ku raaga ahi. Haddii aanay qaab-kaas ahayn, ay inoo tibaaxday maah-maah-du inoona qeexday, Dalku intii uu xukunka boobay sidda muu noqdeen, waa kaas aduunkii oo dhami dabadda u soo jeediyey, ee uu albaab kaste gacan-tiisa iskaga soo xidhay, shaqaalihii iyo ciidankii ay mushahaaro la'aan la cabaadayaan, markii uu isaga iyo kuwa maamulka la wadaagaa ay intii yarayd kala qaybsa-deen, xataa baloodhaddii dan-yartu lahayd uu "Carfaaye" waa ka tidhaahaan " Solteko'e" uu u boobay Qoyska askariga. Taasi waxay ku dambaysay, in ay dhamaan ka jareen Taageeraddii dhaqaale aduunku, ee uu beenta kaga cuni jirey. Waxan ku soo af-meeray maqaalkan, Macana xume, miyir laawe, adigaa is gawracay, beentii iyo munaafa-qaddii aad siyaasadda mooday, waa taas cidla ku dhigtaye, ee ka soo maal, meela ha ku geyso anshax xumi-daadu, af jan-jeedha lahayde.



* N.BLayli Dhaansaday Haraad kama Ladnaado!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...