MAXAA GOSHA NAGU DIRAY?

0
Sunday September 06, 2020 - 10:50:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA GOSHA NAGU DIRAY?

    Qorigu kolkii horeba ammaanka ayuu iiga jarnaa, keebkana waa aan ku dhegganaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorigu kolkii horeba ammaanka ayuu iiga jarnaa, keebkana waa aan ku dhegganaa

Nin aannu wada dhalannay ayaa aad uga carooday arigayga tirada gaaray iyo geelayga kedinka dhaafay. Isagoo aan hal dago i weydiisan ayuu Waraabe, Weer iyo Dawaco duurka ka soo raacdeeyay oo kobkii aan degganaa u soo ceyrshay, si Dhurwaagu ugu dhaco xerada arigayga, dabadeedna u cuno. Sidee lagu garan waayay geela golaha ku xirxiran in aan anigu leeyahay? See loo arki waayay loona garan waayay ariga xerada ku jiraa in uu keygii yahay? Waraabahu cid u warranta ma waayay? looma sheegin miyaa dhiillada meesha taal?

 

Waa habeen. Isagu iima jeedo oo geed kore ayaa aan toddoba qasnadood iyo qori Beer-laab ah oo cabbaysan la saaran ahay. Dayax kaah weyn oo bari ka soo horraacsaday indhihiisa buluuggaa ah ha i tuso. Isagu xoolahayga ayuu u daafaandig leeyahay anna dhiiggiisa ayaan xalayba geedka u fuulay. Xabbaddu mey xog siiso? Muu sanka la raaco urta qoriga. Hore buu u soo socdaa, dhulkana wuu ururinayaa.

 

Qorigu kolkii horeba ammaanka ayuu iiga jarnaa, keebkana waa aan ku dhegganaa. Liif baan saaray. Xerada ariga geeskeeda ayuu yimid. Jabadka yuu ur uriyay. Meel bannaan ah oo xerada waqooyi ka xigta ayuu istaagay. Digada ariga ayuu sanka la raacay. " Qanbalaf” ayuu dhagax korkii ku yiri. Istaag buu maagay, xabbad kulul ayaa haddana foolka ka qabsatay. Gafuurkii hore oo macal faruuryihii wata ayaa ka haaday. Xabbad kale ayaa haddana saableyda qabsatay, kolkaas buu ood korkeed ku dul wermay sidii jawaan biday oo geed celshay. Sidaas buu ahaa dagaalkii shalay ee Belad-Xaawo. Waxaase jira nacab badan oo il-duufsan--Muxuu dalkaani eed badan ka tabayaa nacabka ceegaaga? Tolow geeridu may hog ku gurto? May dhimashada dhedhemiyaan? Dalka may ka tagaan ama dibindaabyada ka daayaan? Raadinta doollarka may iska daayaan?

 

Marka rajada god ku dhacdo, marka labaantan malyan oo ummad ahi dunida ku go’doonto. Marka jiritaankaaga lagu soo duulo, noloshaada iyo magacaagana la wada necbaysto. Goortaad haadaan ku jabto, adoo libaax ah, lo’ kisida iyo Dhurwaayaduna boob iyo bililiqo kuu soo aadaan. Kolka kaad wada dhalateen, uu soo hub-qaato, si uu nafta uga xiiro hooyo. Jeerka cirka iyo dhulka, maskaxda iyo caqiiddadaba seef iyo sun lala dhex galo. Marka xaalku cakirmo. Dhiiggaagu seyro. Dhididkaaga hooro. Wadnahaagu garaacmo. Cadaawuhu dhan walba kaa soo waeraro, laakiin aad si cad u garanayso, waxaa gudboon in aad waranka gasha kala baxdo, suugga cabbaysato, Aakaha shukurka qabato, hoobiyaha garabka saarato. Biiteemka riddo, madaafiicdana afarta koone u daryaamiso, si cadawgaagu u kala cararo.

 

Geeleennii nabad kuma daaqo. Dhulkeenna nabad kuma hoyanno. Beereheennii iyo duunyadiiba diyaarado ayaa qumbulado bombooyin ah kula soo jermaadaya. Cirku godla diid. Dhigaalkii caanuhu weli garoor noqon waaye. Shinnidu malabkii dhali wayday. Dhirtu ubaxyeyn diidday. Geed-Huyinku cagaaran waa, geed-Nugeylkuna fiix yeelan waa. Shirkadeheennii baa la cuuryaaminayaa. Dalkeennii hoos buu ka ooyayaa. Ciidda ayaa booyeysa. Dhirta ayaa cataabaysa. Haadda iyo baalleyda ayaa geedaha murugo la dul saaran. Xoolihii la dhaqanayey ayaa dareemaya cadawga madow ee dalkeenna ku soo duulay. Ma goor Soomaalinimada lagu heshiin waayaa? Mise waa goor Soomaali nimada iyo isirka la wada difaaco?

 

Ma ahan maalin aan kala qeybsanaanno. Siyaasadda ummad nimada ayaa u baahan in leysla qaato, oo wax lagu wada difaaco, tan shaqadu ha joogtee. Waa dharaaro la warin doono. Taariikh baa qormeysa. Maantey Soomaalidu xeelad, xoog wada tashi iyo golefadhiisi xalaal ahba u baahantahay. Tolow marka Xamar la qabsado, Butlaan nimadu ma jiri doontaa? Soomaalilaan nimadu ma jiri doontaa? Jubbalaan nimada Keenyaatigu gashtayna dhar ahaan ma u sii jiri doontaa?

 

Calannada tirade badan ee gobol walba ka taagan halkee bay ku danbayn doonaan? Axmed Keenyaata, talada Jubba laan markii uu calanka buluugga ah ka siibo, oo uu calanka Kukuuyaha u saaro, isagu ma u talin doonaa? Maxaa qabsan doona? Waxaas oo dhami daadka ayaa ayaa ay raaci doonaan, waxaase dalka u hari doona inta cadawga ka celisa. Nacab baa jira diirkeenna leh, ha yeeshee na dilaya ama na dibindaabyeynaya. Qarankeenna ayaa ay shilimaad ka door bidayaan. Nolol gunnimo leh ayaa ay nala doonayaan. Taariikh madow oo hor-leh ayaa ay nala goobayaan. Soomaalidu marka garashada middabbaysan loo eego: waa qeyb qalbi ka cad oo jirka ka madow. Qeyb jirka ka cad oo qalbiga ka madow. Qeyb jirkana ka cad qalbigana ka cad iyo qeyb jirkana ka madow qalbigana ka madow. Caddaanka iyo madowguba maahan kan muuqda ee waa kan waddaniyadda, garashada iyo ceeb ka saliid nimada. marka labadaas midab iska dusha iyo gudaha kala galaanna gunnimo xididdo leh baa jirta.

 

Maan-Kukuuye, Maan-tigree, Maskax-imaaraadle, Maan-Sucuudiyaan, fahan-galbeedle, Qalbi-Mareykan midab Soomaaliyeed leh, ayaa mool dheer iyo haadan ku ridaya ummad iskeed ugu dhex go'doonsan geeska bari ee AFRIIG.

 

Waxaa ugu liita, kuwa qalbiga ka madow ee Keenyaatigu uurkooda iyo fikirkoodaba iibsaday ee haddana kor ka modow ama ka cad. Cadaw guud ayaa ay nacayb walaal awgii ula safanayaan. Kuwaas iyaga ah BEERKA KA OGSOONI. Ilaahayna wuu arkayaa falkooda gurracan ee ummad nimada ka soo horjeeda. Waxaan ku soo koobayaa, Ogaandeenka galbeed iyo dega NFD-iiyow? Ama gunnimo weligeed joogta doorta, oo gabdhihiinna gumeystaha madoobi, xaaraan weligood haku fuulaan ama gobannimo buuxda qaata oo halganka walaalaha Soomaaliyeed wadaan la qaata oo dadkiinna ha ka dhex bixina. Majeerteen aan mid iraahdo, dhowrka lafood ee Majeerteenow? Waxaa dhaqmo iyo saliidayn idinka rabta taariikhdii foosha xumeyd ee uu Keenadiid Soomaali nimada u geystay, hadda oo qarniga 21-naad la marayo, AARAN JAAN yaanay magaciinna ceeb ugu geysan Soomaali nimada iyo dalkaba, ama gunnimo Garoowe la jooga oo sheedda ka daawada waxa xudduudka ka dhacaya, ama furinta dagaalka jooga oo Soomaali nimada wax ka difaaca, madallo sameeya oo ka shaqeeya sidii loo heli lahaa QARAN LA WADA HARSADO.

 

Abgaal aan mid iraahdo, sagaalka lafood ee beel-weynta Abgaalow? Ama taariikhdaa idin caayi doonta ama idin ammaani doonta. Beel kastana waxaa lagu qiimeyn doonaa sida ay nabadda ula rabto dalkeeda, waddankana cadawga ugu diiddo. Maantay rabta haantu in janjalka la wada qabto ee siyaasiyiintiinna la fariista oo tusaaleeya. U sheega in FARMAAJO IYO DOWLADDIISU aannay dalka lahayn ee ay wax-ku-leeyihiin oo kaliya, markaanna xanuunka intii ugu badnayd iyo xilka kii ugu waynaa uu iyaga saaranyahay. Habargidir aan mid iraahdo, Hubka iyo wiilasha labaatan jirrada ah ha loo diro xudduudaha, hantidana bixiya oo ummad nimo waarta ha loo hub, caqli iyo xeelad raadsho. Ninkiinna xun ee jabka umadda ku dhacay ka xooleysanaya runta u wada sheegaa. Qabiillada kalena saas ha yeelaan. Gunnimada ha laga baxo. Maanta ayaa ay ugu dhowdahay taladu ee ha loo gogol badsado. Ha loo duco badsado, oo ha loo cafis badsado. Sidii uu YAMYAM yirina " In kastoon sabool ahay, haddana waa sarriigtaa, sacabbada ma hoorsado SOOMAALI BAAN AHAY" aan annaguna wada jir ugu sheegno Keenya iyo ITOOBIYABA iyo cid kastoo na neceb, si kastoo aan u taagdarannahay in aannaan gunnimada qaadanayn oo aannu nolosheenna iyo nabaddeenna cidna ugu sacabbo hoorsanayn ee aannu GOB-NIMADA baadi goob ugu jirno tan iyo bilashadeennii.

 

Ciidammada Soomaalidu iyagoo 4000 oo askari ah ayaa ay Itoobiya dhegta ku dhifteen sannadkii 1964-tii. Waa la ogaa tii ka dhacday--waa tii Baxsan ku heestay " GUMEYSIGA MAANTA IN AAN KA GUDBAAYO WAAN GARANAAYAY, GARABKIINNAAN SOCONNAAYE, GEESHKAYAGOOW GUULEYSTA" maanta ciddammada Soomaalidu waa dhowr iyo labaatan kun, hubka ay heystaanna kii lixdankii wuu ka wanaagsanyahay. Tababbarkooduna kii goortaas wuu ka sarreeyaa ee horey ha loo galo, sanka dhuudhiga.

 

Haddii gobollada AMEERIKA LEYSKU ARUURIYAY, dabadeedna qaran MAREYKAN la yiraahdo laga dhigay, oo carabtii jasiiradda Carabta ku firaarsanayd laysku toltolay sidii falagtii, dabadeedna loo bixiyay IMAARAAD, annaguna waa in aan cudud, dhaqaale, maskax iyo madalba isku raadinnno si aan u yagleelno QARAN WAYN oo magaciisu yahay UNITED STATES OF SOMALIA " GOBOLLADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYEED.

*****

 

W/Q: Cabdisalaan "Ceeryaamo"

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...