Waxaan Saldhiga dhexe ee Gabiley aan Maanta ku Booqday Mr Buuni Cabdi Oo Sida uu Sheegay Qaab Qafaalasho ah ugu Jira Halkaa!!!.
Mr Buuni Cabdi ayaa ii Sheegay In Qaab Qafaalasho ah loo qabtay oo aan ilaa hada lala Wadaagin Waxa uu u Xidhan yahay, balse Magaca Aabihii iyo ka Hooyadii oo Sadexan laga qoray.
Mr Buuni Wuxuu Sheegay in Qoraalkiisii Cabaadhka Gacanta lagu Xidho ee Buluuga ah uu Wacyi galin oo kaliya uga Jeeday isagoo Tilmaamaya In Dalka lagu Iibsho ayna Haboon tahay In Inta La Xidhi lahaa Qofka Xidhan ay ka horayso In la Xidho kuwa ka Ganacsanaya ee Dekedda kala soo Dagaya, Balse la qalad fahmay Fariintiisaa ayna Haboon tahay In loo qaato sida uu ula jeeday ee Wacyi galinta ah.
Sifaha Loo Maray Xadhiga Mr Buuni Cabdi;-
@Sida uu nooga Waramay looma Marin Sifaha Sharciga ah ee Muwaadinka in Waaranka Qabashada loo jaro ka dibna ay Askarta Saldhigu soo xidho.Balse Taa bedelkeeda Waxaa Kaantarolka Bari ee Magaalada Gabiley ku sugayey Ilaalada Maayarka Degmada Gabiley Ka dibna ku Wareejiyay Saldhiga dhexe Ee uu Hada ku Xidhan yahay.
Mr Buuni Ayaa Tabaya inuu Cadaalad Helo Xoriyadiisana loo soo Celiyo. Waxaanu u Muuqday mid Faraxsan oo Isku Kalsoon.
#Naasir Meecaad.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!