Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Waxaan Talo Ku Siin Lahaa…
ku xigeenka 4aad ee xisbiga Kulmiye, isla markaana noqonaya musharaxa madaxweyne ku xigeen ee doorashada madaxtooyada ee soo socota. Waxaan hubaa in Wasiir Saajin yahay ninka sida tooska ah uu madaxweyne Muuse Biixi u wato inuu noqdo hogaanka xisbiga iyo musharaxa ku xigeen ee doorashada madaxtooyada ee inagu soo foolka leh.
Hadaba intii ay taariikhda dhici lahayd in wasiir uu tartan kaga adkaado madaxweynihiisii, waxa quman in madaxweyne ku xigeen Saylici uu tanaasulo. Maadaama oo uu 10 sanno madaxweyne ku xigeen ahaa iydoo laba goor la doortay, muddo kale oo intaa u dhiganta amma ka badanna uu ku soo jiray hogaanka xisbiga, maanta ta u hawsha yar una sharafta badani waa inuu yidhaahdo odayga xisbigaan noqonayaa oo wasiiradayda la tartami maayo. Ileen waataas ixtiraamkii uu u muujiyay madaxweynihiisa ee aanu kula tartamin gudoomiyaha, isna loo muujin waayay e.
Haddii Alle ku simo, madaxweyne ku xigeen Saylici waxa dhici karta inuu 5 sanno oo dambe sii ahaado madaxweyne ku xigeenkiisaas, marka aynu u eegno sunnaheena doorasho madaxtooyo ee aynu isla soo aragnay, baahina uma qabo inuu hogaan xisbi uu noqdo, oo xisbinimada waynu naqaanaa in ay sanadka doorashadu dhacayso amma ka kasii horeeya ee lagu sii murmayo uun ay shaqaysee. Waxaana macquul ah in madaxweyne Muuse Biixi berri ka maalin ka tanaasulo musharaxnimada xisbiga sidii madaxweynihii ka horeeyay ee Siilaanyo, dabadeedna Saylici nasiibku u siiyo in musharax loo soo cumaamado, isna uu ku xigeenkiisa cidda uu doono ka soo dhex doorto.
FG: Xisbiga Kulmiye kama tirsani, aragtidaydaasna si shakhsi ah ayaan u cabiray ee cidna kuma metalo.
Xuquuqda sawirka: Ibrahim Eagle
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!