Ubadkaagu Ma Yihiin Kuwo Suubban?

0
Saturday September 05, 2020 - 09:22:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ubadkaagu Ma Yihiin Kuwo Suubban?

    Qalinkii: Cabdinaasir Bootaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Cabdinaasir Bootaan

Meertada Nolosha Waxaa Bilow U Ah Taranka Aadamaha Ee Asalkoodu Uu Yahay Labada Waalid, Waxaa Mar Walba La Helaa Caqabad Ka Dhan Ah Ubadka Iyadoo Ay Inta Badan Waalidku Is Weydiin Sababta Keentay Inaysan Ubadkoodu Noqon Kuwo Baarri U Ah.

Waalid Walba Habka Ay U Ababiyaan Carruurtoodu Ayey Ku Garaadsadaan, Haddii Ay Jidka Suubban Ku Hagaan Waa Suubanaadaan Haddii Ay Ka Leexiyaanna Waa Ay Lumaan, Taas Waa Mid Biyo Kama Dhibcaan Ah Waxaase Mararka Qaar Dhici Karta Inay Waalidka Oo Ah Kuwo Wanaagsan Ubadkoodu Ay Noqdaan Kuwo Caasiya Waana Mid Dhacday Diinteennuna Tilmaan Buuxda Naga Siisay, Nebi Nuux Cs Wiilkiisii Waa Uu Ku Caasiyey Kolkuu Yiri Doonta Nala Soo Raac, Isagoo Yiri:"Buurta Ayaan Fuulayaa!!".

Taasna Waa Mid Imtixaan Eebbe Swt Xaggiisa Ka Ahaatay, Sidoo Kale Waxaa Jira Ubad Baarri U Ahaa Waalidkood Lana Jeclaaday Inay Hanuunka Ku Hodmaan Kana Beyraan Halaagga Adduun Iyo Midka Aakhiro, Tusaale Waxaa Inoo Noqon Kara Nebi Ibraahim Cs Aabbihiis Oo Uu La Jeclaaday Inuu Diinta Islaamka Qaato Mase Yeelin.

Haddii Aan Bidhaaminno Maxaa Sabab U Noqon Karaya Ubadka Oo Waalidkood Baarri U Noqda Waxaan Ku Soo Aruurinayaa Dhowr Qodob Oo Kala Ah:

1.Marka U Horreysa Waxaa Waalidka Looga Baahan Yahay Inay Doortaan Qof U Qalma Noqoshada Aabbe Ama Hooyo Ubadkaaga Ka Hor Intaadan Guursan, Ubadkaagu Maalinta Kaliya Ee Ay Hiil Kaaga Baahan Yihiin Waa Maalintaad U Dooraysid Cidda U Noqon Doonta Hooyo Ama Aabbe, Qof Wanaagsan Ayaa Inta Badan Dhala Ubad Suubban Oo Saalix Ah.

2.Xoogso Oo Xulo Risiq Xalaal Ah, Haba Ahaado Mid Yar, Xoolo Badan Oo Xaaraan Ah Waxaa Ka Xariirsan Ama Ka Fiican Xantoobo Yara Oo Xalaal Ah.

Isma Weydiiyaan Waalidku Shaqda Ay Hayaan Ma Tahay Mid Sababi Karta Inaad Heshid Ubadkaad Dooneysay Oo Ahaa Kuwo Baarri Kuu Ah, Ha Filan Inaad Heshid Taas Intaad Ku Gudo Jirtid Xantoobsiga Xoolaha Xaaraanta Ah.

3.Noqo Midka Ay Ku Daydaan Mar Walbana Kula Dardaaran Jidka Suubban Adigoo Tusaaleyaal Qurxoon Usoo Qaadanaya, Ma Jiro Wiil Ama Gabar Wanaagsan Hadday Jiraan Waxaa Sabab U Ahaa Alle Ka Sakow Wanaagooda Labadooda Waalid Siday Usoo Koriyeen Oo Ahayd Mid Hannaan Wacan.

4.Ogow Saaxiibbada Ay Leeyihiin Carruurtaada, Saaxiibka Xun Wuxuu Badeli Karaa Qof Wanaagsan, Sidoo Kale Saaxiibka Wanaagsanna Wuxuu Badali Karaa Mid Xun, Balse Waa Dhif Iyo Naadir In La Arko Saaxiib Wanaagsan Oo Sabab U Noqday Inuu Hagaago Mid Xun, Waayo Qofka Xun Fursad Uma Helo Siduu Ula Jaan Qaadi Lahaa Saaxiib Suubban, Waxaana Is Daba Marsan Wakhtiyadooda Tusaale: "Saaxiibka Suubban Waa Mid Hiirta Waaberi Kaca Salaad Subax Ooga, Horayna Usii Gala Hawl Maal-Meedkiisa, Fiidka Hore Ayuu Seexdaa Saaxiibka Wanaagsan, Saaxiibka Xunna Waa Uu Dhafraa Hurdadana Waa Ku Daahaa Subax Walba". Taasi Waxay Sabab U Tahay Inaysan Isku Xilliyoba Ahayn!!

5. Ducada Waalidka Waa Hanti Ma Guurto Ah, Waxaase Yar Inta Hanata, Jannadu Waxay Ka Dhowdahay Labadaada Waalid Oo Aad Baarri U Ahaataa Noloshooda Iyo Geeridooda Kaddib, Adigoo Joogteynaya U Adeegooda Iyaguba Kolkaad Yarayd Waxay Kuu Ahaayeen Kuwo Kuu Adeega.




 

 

Qalinkii: Cabdinaasir Bootaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...