'' La Soco Aduunka , Doorashadda Maraykanka ''.

0
Friday September 04, 2020 - 12:06:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Doorashadda Maraykanka ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

In ka badan 100 xeer-dejiye oo horre uga tirsanaan jirey goleyaasha Congress ka iyo Sanateraska Maraykanka kana soo jeedda Xisbigga Jamuurigga ayaa ku dhawaaqay in ay u taagan yihiin taageerista musharaxa xisbigga Dimuqraadiga Joe Bidden kana soo horjeedaan Musharaxa xisbigoodda Mr Trump .

 

Gudoomiyaha kooxdan Christine Todd Withman oo ahaan jirey Gudoomiyaha Gobolka New Jersey oo ka hadlayay munaasabadda kooxdan lagaga dhawaaqay ayaa sheegey in 180 kun oo qof ugu dhinteen Maraykan xanuunka Covid-19 hogaamin xumidda trump awgeed , xiligan oo wadanku ku jiro qalalaase balaadhan iyo qaybsanaana loo baahan yahay cid wadanka midaysa soona celisa kartidii kursigga maraykanka looga taliyo , ninka maanta sidaa yeeli karaana waa Joe biden .

 

Dhinaca kale kooxdan waxaa ka mida gudoomiyeyaashii horre ee goboladda Mishigan , Mischuetes iyo qaar kale oo badan oo ka soo jeedda xisbigga Jamuurigga .

 

Ugu dambayn kooxdan ayaa sheegtay in xooga saarayaan codbixiyeaasha madaxa banaan ee aan weli go'aanka gaadhin iyo taageerayaasha xisbigga Jamuurigga si ay ugu qanciyaan in 03-Novemcber ay doortaan Joe biden .

 

Si kastaba ha ahaatee , Trump waxay u muuqataa in trump ay kasoo horjeedaan inta badan khuburadda iyo xeel-dheerayaasha siyaasadda marakanku xisbiga ay doonaanba ha ahaadeene , hassa yeeshee Trump qudhiisu hawlihiisa ayuu wataa , waxaanu xooga saarayaa dadka Cadaanka ah ee mayalka adag , halka loolankaasi ku biyo shubtana waynu eegi doonaa ardambe iyo wixii nool .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...