Madaxweynaha Lama Tartamayno, Markuu Na Tartansiiyo, Waanu Tartamaynaa
W/Q:Bashiir Tarabbi Oogle
Diyaaraddii aan ka soo raacay Landhan, Soomaalidii saarnayd, waxay u
badnaayeen qoysas u soo xiisooday dalkooda, waxaa hoggaaminayey siyaasi
Cabdilaahi Jawaan iyo Fanaanadda weyn ee Maandeeq.
Waxaan si xushmad leh u gacan qaaday siyaasi, oday Cabdilaahi, wuxuu
fadhiyey meesha dadku marayeen. Waxaan Ku idhi, Aniga oo hoos ugu
foororsanaya ' ma Cabdilaahi baa, sow nabad ma aha' inta uu halacsi
daymo kor ii yare jaleecay, wuxuu yidhi ' haa, adigu kuma ayaad ahayd'
waxaan idhi Bashiir Tarabbi, waxaan isaga dhaafey xagii Maandeeq iyadoo
si weji furan ii salaantey, Odaygu waxaan is idhi ma in aan waraaq
CID-da uga sido ayuu u maleeyey. Intaasi waxay ka dhacday duulimaad
kayagii Addis iyo Hoyga Fanka iyo Saxaafadda Soomaalida ee Hargeysa.
Waxaase kaa ka horreeyey safarkayagii Landhan iyo Addis. Ragga
Soomaalidu waxay si xilkasnimo la'aani ka muuqato isula taagnaayeen oo
ku sheekaysanayeen marinka yar ee u dhexeeya kuraasta, iyaga oo fadhi in
ay salka dhigaan diidey, dumarku waxay ka wada sheekaysanayeen kuraas
kala durugsan, si qaylo dheer, caruurtu way oohin badnaayeen, kuwa ku
ciyaarayey qalabka madadaaladuna waxay u muuqdeen kuwo maqan oo maan
doorsoomay. Haddii dadkii kale ee aan Soomaalida ahayn,kabaheena loo
geliyo,waxay odhan lahaayeen, waa garac meher la'aan ku dhashay.
Hablihii edaabta badnaa ee noo shaqaynayey, waxay ahaayeen kuwo ay ka
muuqatey wax xeerin iyo khalkhal nafsadeed oo culays soo wajahay, aad
bay u adkayd in hablahaasi u shaqeeyaan si farxad leh, waxayse
xanshaashaq ay hoos u guuxayeen laga dareayey xagga hore iyo dambe ee
ay wax ku maamulaan, marka ay isku keliyaystaan.
Wax badan baa Iska bedelay dhalinyarada shandadaha garoonka Cigaal ka
shaqaysa iyo tagaasidaba, isbedel togan. Koleyba hawada Soomaalilaan way
Iska wadataa farxadda iyo ilowshaha wadadii dheerayd ee daalka iyo
qalada badnaa, indhaha muwaadinkuna way qawad yaraadaan, istareex.
Bashiir Tarabbi Oogle,
Somalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...