'' Bariga Dhexe , Kushtin Ilaa Lawrance ,Taariikh Isa Soo Celcelisay ''.

0
Friday September 04, 2020 - 10:25:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Bariga Dhexe , Kushtin Ilaa Lawrance ,Taariikh Isa Soo Celcelisay ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

1916 Ingrisiisku wuxuu usoo direy Bariga dhexe nin la odhan jirey Thomas Edward Lawrence oo ahaa siyaasi ku xeel-dheer dabinadda diblomaasiyadda iyo khiyaamooyinka .

 

Lawrance oo ujeedadiisu ahayd in dejiyo qorshe laggu burburiyo Dawladii cismaaniyiinta , waxaanu dejiyay qorshahaas oo noqday in Boqoradii iyo madaxdii carbeed laggu kiciyo dawladii cismaaniyiinta .

 

Lawrance wuxuu la heshiiyay Amiirkii gobolka xijaas Amiir Faiysal iyo wilkiisii Xuseen , Xijaas waagaas waxay ahayd khaliijka oodhan , waxaanu ka dhaadhiciyey in ay ka hoos baxdo maamulka guud ee cusmaaniyiinta oo si guud ay u hoos tegi jirta Xijaas .

 

Boqorkii Xijaas iyo madaxdii kale ee carbeed waxay dagaal jab hadayan ku qaadeen dawladii Cismaaniyiinta , waxaanay jareen wadada tareenka ee Madiiina ilaa Falastiin halkaasoo ay ku godomiyeen kumaan askari oo turkiya kuna laayeen .

 

Geesta kale , carabtii la kiciyiey waxay duulaan ku qaadeen wadanka imika loo yaqaano Urdun , waxaanay qabsadeen dekedda wayn ee Caqaba ee ku taala badda cas, ilaa ay gaadheen magaaladda Dimishiq ee Suuriya .

 

Dagaalkaas waxaa dhinac socday dagaal balaadhan oo Ingiriisa iyo faransiisku ku hayeen Turkigga oo kaga socday dhinaca Falastiin kaasoo ugu dambayn laggu qabsaday falastiin iyo suuriya , dhinaca kale turkiga waxaa dagaal ku hayay Giriiga , Talyaaniga iyo Ruushka oo ka soo weeraray Badda madow ila Midhatareeniyanka , halkaas ayaanay ku buruburtay dawladii cismaaniyintu .

 

1919 markii ay dhacday xabad joojintii Turkiga iyo reer galbeedku , Bariga dhexena gacanta u wada galay Ingiriiska iyo faransiiska , waxaa loo sheegay Boqor faysal in heshiis qarsoodiya ay horre u galeen Ingiriiska iyo faransiisku 1916 heshiiskaas oo la odhan jirey Sykes picot , kaasoo ay ku kala qaybsadeen bariga dhexe, wax xornimo ah oo carab loo hayaana aanay jiriin .

 

100 sanno ka hor hadii ninka carab hogaaminayay ee Dawladii Cismaaniyiinta ka horkeenay ahaa ninkan khamiiska cad ee la dhaho Lawrance , 100 sanno ka dib ninka Carab wata ee Iran iyo Turkiga ka horkeenayaana waa wiilka yar ee isna halkan idiinka muuqda oo ah la taliyaha madaxwaynaha maraykanka oo la yidhaahdo Jared Kushtin , kaasoo madaxdii carbeed sidii Lawrance u hoos geeyey Ingiriiska u hoos geeyey Isreal , 100 sanadood na sidaas uun bay carabi iska ahayd .

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...