'' La Soco Aduunka , Turkiga & Giriigu Maxay Isku Hayaan ''.

0
Thursday September 03, 2020 - 10:40:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Turkiga & Giriigu Maxay Isku Hayaan ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Turkiga iyo Giriigu waa laba wadan oo ka wada tirsan Gaashaan-buurta Naato iyo Qaaradda Yurub , Juqraafi ahaana waxaa u dhaxaysa Badda Mediterranean ka oo labada wadan midiba dhan kagga soo jeedaa .


Hadaba labadan Badda u dhaxaysa waxaa ku yaala Jasiiraddo fara badan kuwaasoo badankooda uu sheegto Giriigu , waxaana ka midda Jasiiradaha looyaqaano Aegon oo u jira wax ka yar 10km dhulwaynaha Turkigga gaar ahaana Anatoliya , halka ay dhul-waynaha Giriigana u jiraan 570 Km .



Xudunta Muranka .

Sidda uu dhigayo xeerka Caalamiga ah ee Badaha Aduunka qodobkiisa 122 , Jasiiraduhu waxay la mid yihiin dhulka caadiga ah , xuduudahana waxaa lagga jiidayaa Jasiiradaha sidda dhulka caadiga ah , sidaa darteed Giriigu wuxuu ku doodayaa in xuduud badeedka labada wadan lagga bilaabo Jasiiradda Aagon ee halkan idiinka muuqata oo u jirta Turkey 10km , taasoo ka dhigaysa in aan Turkigu wax u yeelanaynin Badda Mediterranean ka xuduud bad-deed ganacsi , maxaa wacay Aagon iyo Turkigu waxba isuma jiraan,hadii loo kala calaamadinayana min 2 km ayuunbay u helayaan 6 km ee soo hadhayna caalamkaa wada yeelanaya waxaanay noqonayaa biyo caalamiya

.

Sidaa darteed Turkigu wuxuu ku doodayaa in Xuduud badeedka labadda wada lagga bilaabo labadda dhul-wayne ee Turkigga iyo Giriigga , Badda Mediterranean ka xuduud ganacsigeedda labada wadan u wadaagaan si siman , oo mid waliba qaato 122 Km , halka Giriigu leeyahay Turkigu Badda Mediterranean Ka waxba kuma laha .


Xeerka iyo Xaqiiqda .

Xeerka caalamiga ah ee Badaha (UNCLOS) Qodobkiisa 122 wuxuu Qeexayaa in Jasiiraduhu leeyihiin xaqa xuduud badeed ganacsi , sidaa darteed xuduud badeedka ganacsi ee Giriigu wuxuu ka bilaabmayaa Jasiiradaha Aagon ee ku dhegen Turki .


Gal-dalooladda Xeerka .

Xeerkan oo laggu saxeexay Geneva 1958 waxaa dhaqan geliyay ilaa hadda 13 ,Turkiguna ma saxeexin mana dhaqan gelin sidaa darteed Turkigga ma qaban karro .


Xaqiiqda .

Turkiggu wuxuu ku doodayaa in Jasiiradaha Aagon oo aan cidi ku noolayn iyo wadanka Turkigga oo ay ku nool yihiin 80 malyuun aan la is barbardhigi karin , iyadoo waliba kala badh dadka Turkiggu ku nool yihiin xeebaha kulaalaya Badda Mediterranean ka , sidaa darteed wuxuu ku andacoonayaa in si siman loo qaybsaddo xuduud badeedka ganacsi ( EEZ) .


Si kastaba ha ahaatee , Turkigga oo ah 80 M iyo Giriig oo ah 10 M , waxay ku kala xoog badan yihiin dhinacadda dadwaynaha , Dhaqaalaha iyo Milateriga , sideedabana xaajo nin xoog wayn ayuun bay u toostaa

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...