Warsan Doob Kula Qaata: Umalkhair Odowaa Oo Ka Jawaabtay maansadii Kaaba Axmed Caydiid

0
Thursday September 03, 2020 - 09:43:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsan Doob Kula Qaata: Umalkhair Odowaa Oo Ka Jawaabtay maansadii Kaaba Axmed Caydiid

    Umalkhayr Odowaa ayaa tix ka curisay kaftankii noocyada ragga ee Kaaba Axmed Caydiid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umalkhayr Odowaa ayaa tix ka curisay kaftankii noocyada ragga ee Kaaba Axmed Caydiid.

 Waxa ay ku taageertay inay diiddo ragga dumarka sawirrada weyddiiya iyo kuwa faraqa dumarka baadha.

 

Waxa ay ku khilaaftay diidmada abwaannada iyo weriyeyaasha. In qaadka laga dawoobi karo ayay xustay, ugu dambaynna waxa ay soo-jeedisay inay raadiso qof madax bannaan halkii ay nin xaas leh ka dooni lahayd.

 

Waxa ay tidhi

Nin Abwaan ka wanaagsan

Wallee waanan helaynnin

Weedhu soo tebinaayiyo

Warkiisaa ba i deeqa

 

Walaf kii ku mirqaama

Wado oo ku kaxayso

Waxa uu budlinaayo

Ku weelee kartidaada

Ka dawee wadhidaasna

Inuu waanada qaato

 

Ninka jeeb wakinaayo

Adigoon walax siinnin

Weyddiintiisa horjoogo

Waaba ruux warmo haystoo

Wadiiqooyinka xoogga

Ku weeteeya haweenka

 

Waaba yaabe waryaahe

Sawirkaad wacanayso

Waaga joogiyo laylka

Marba wiilka tad saarto

Wejigaaga fur leeday

Wecel yaw iska nooli

Wallee kama raseeyo

 

Warku waa laba nooce

Weriyaa jira heedhe

Nin ragaa ugu wanaagsan

War na so tebi naaya

Oo wanaaja quluubta

 

Intaad heedhe walaalo

Ku wareertay nin naagle

Eed walaaqi adduunka

Ku wareegga qof xaasle

 

Waxa kaaga wanaagsan

Waxmahayste miskiin ah

Adigoo wacadkiinna

La wandaafsha jacayle

Warsan doob kula qaata

La wadaagto nasiibka

Wiigag soo yara raadi


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...