Maskax Qabsasho: Reer Awdal Iyo Reer Sanaag-Bari Waxay Haystaankuraas Dheeraada!
Qore: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Afeef:
Waxaan ka afeefanayaa anigoo u jeeda inaan reer ka hadlo, adiguna
aad u qaadanayso inaan reer ka hadlayo, inaanan magaalo iyo degaan
toonna kuugu dhuuman, sidaa daraadeed aan reerka xuso!
Waxaan maanta daawaday
doodii xildhibaanada barlamaanka maamulka Somaliland. Xildhibaannadii doodayey waxa
ka mid ahaa Mudane Siciid Xaaji Afweyne oo aannu ilmaadeer nahay. Dadka
degaankayagu tiro kooban oo siyaasiyiin u badan mooyee way ka soo hor
jeedeen maamulka Somaliland tan iyo maalintii la abuuray 18kii May
1991.
Haddaba waxa jira niman siyaasiyiin oo Dhulbahante iyo Warsangeli ka
soo jeeda oo ka tirsan maamulka Somaliland. Inaadeerkay Siciid Xaaji
Afweyne raggaas ayuu ka mid ayahay. Aan u soo noqdo, doodda Siciid ee
aniga sida gaarka ah iisoo jiidatay waa markuu ka hadlayey
"saami-qaybsiga golaha barlamaanka SL". Sida muuqaalkan ka muuqaata,
Siciid dooddaas aad buu ugu nuuxnuuxsaday, tamar badan, waqti badan iyo
maskax badan intaba wuu geliyey.
Intaanan u gelin faallaynta hadalkii Mudane Siciid, aan dib u eegno
waxa dooddani ku salaysan tahay iyo waxa keenay in maanta barlamaanka SL
lagaga doodo. Si aynu nuxurka doodda u fahamno bal dhammaanteen aynu in
yar wada noqonno Somaliland (ama inta u dhuun daloosha doodaha SL!).
Waxa muddo ka taagnayd "gobollada darafyada" baraarug bulsho oo
dulucdiisu ku qotontey "saami qaybsiga goleyaasha". Waxa kale oo
dooddaasi ay is garabsanayeen ololihii Dr. Galaydh ee halkudhiggiisu
ahaa "Somaliland la wada leeyahay". Dooddan Dr. Galaydh iyo tii hore uga
jirtey beelaha darafyada ee saluugga saami qaybsiga goleyaasha ayaa
muddo la mataaneeyey oo kor loo hinjiyey, si mawjaddu usii xoogaysato.
Ololihii loogu magac daray "tabliiqa siyaasadda" ee Dr. Galaydh,
budhtuuraha u ahaa, hareerahana ay kala riixayeen prof. Samatar iyo
Cadami ayaa dhaliyey baraarug bulsho oo xawli ku bilaabmay.
Waxa markaa tooshkii baraarugga la wareegay reer Awdal oo iyagu
noqday qolada tooshkaa gacanta ku qabatay. Hadda waxa ka jira dhammaan
"beelaha darafyada" guux weyn oo ah inaanay doorashada goleyaasha ka
qayb gelin ilaa inta wax laga beddelayo saami qaybsiga lagu jaangooynayo
tirada xildhibaannada.
Intaa dabadeed maanta ayaa golihii la keenay dooddaas saami qaybsiga.
Sida caadiga ah dooddani waxa dad badani filayeen in beelaha darafyadu
ay isku dhinac ka istaagaan. Mase dhicin sidii dad badani filayeen.
Mudane Siciid Xaaji Afweyne oo "beelaha darafyada" ka soo jeeda ayaa
weerar ku qaaday qaybo ka mid ah beelihii darafyada iyagiina ka soo
qaaday reero dhac iyo boob iyo xaqdarro doon ah. Weliba intaa kagama
hadhine, wuxuu ku sifeeyey inay hadda xaqdarro ku haystaan kuraas aanay
lahayn. Su'aasha is weydiinta lihi waxa weeye; maxaa Siciid ku kallifay
inuu sidaas u hadlo.
Culimada cilmiga bulshada iyo kuwa cilmi nafsigu waxyaalahay derseen
waxa ka mid ah; qaabka bani'aadamku u fekero iyo waxyaalaha ku kallifa
inay siyaabahaas u fekeraan. Waxa jirta aragti la yidhaahdo maskax ka
beddelid (coercive persuasion). Aragtidani waxay ka hadashaa sida dadka
looga beddelo qaab-fikirkiisa , iyadoo maskaxda laga qabsanayo in lagu
qanciyo inuu u fekero sida qofka maskaxda ka qabsanayaa u fekero!
Haddaba bal aan u galno hadalkii maanta ee Siciid iyo aragtidani siday
isu keenayaan.
Waxaan ka afeefanayaa inaanan qofnimada Siciid ka hadlayn,
ixtiraamna uu iga mudan yahay. Waxa aan ka hadlayaa waa dooddii Siciid
iyo dabciga aanu kelida ku ahayn ee maskaxda oo la iska qabsado (coercive persuasion, ama brainwashing)
Dooddani iyo marxalad maskaxeedkan in la galo toonna uma gaar aha
Siciid ee wax bani'aadamku maro dhabna ah. Waxa muuqata inta dooddan
Siciid qabta ee Dhulbahante/Warsangeli/Ciise iyo Gadubiirsay inay luntay
fikirkoodii asalka ahaa. Inay lumiyeen xaqiiqo ay hore u
aamminsanaayeen oo ay ku beddeleen xaqiiqo cusub oo la mid ah kuwa ay u
fekerayaan "kafiilladooda" Hargeysa. Sida uu sheegay aqoonyahan E. H.
Schein, qofku marka laga beddelayo qaab-fikirkiisa iyo xaqiiqooyinkiisii
asalka ahaa wuxuu maraa saddex marxaladood. Wuxuu u kala bixiyey; "
unfreezing, change, refreezing".Arrinta aynu ka hadlayno marka lagu dhudhumiyo waxay noqonayaan;
"ka masax wixii hore, wax cusub ku shub, qaramee". Saddexdan marxaladood aan eegno siday "Siciiddadan" reer Hargeysoobay ula falgaleen.
A) Ka masax:
1) Khalad: Marka wixii hore la rabo in laga masaxo, waa in loo tusaa
inuu wax khaldan aamminsaan. Tusaale, midnimada Soomaaliya waynu ku
degdegnay khalad bay ahayd, waa inaynu dib uga noqonnaa si aynu u
tanaadno
2) Denbiile: Dawladdii Siyaad Barre ee faqashta ayaad noosoo raacdeen
iyo Daarood, waxaadna ka mid ahaydeen kuwii Hargeysa burburiyey
3) Cafis: Waxba idiin raaci mayno ee naga mid noqda.
B)
Ku shub wax cusub.
1) Ku qanci: Siciiddada ku qanci inay aragtidii SNM (Isaaq) saxsanayd, inay u fekeraan sida reer Sheekh Isaxaaq.
2) Inay ku daydaan "halyeeyada iyo hebelada" reer Sheekh Isaxaaq.
3) Inay si cusub u fiiriyaan dhacdooyinka, una fekeraan sidii qof
cusub, oo ka turjumaya xaqqiiqooyinka cusub ee Hargeysa (duruufaha la
jaanqaad).
C
) Qaramee
1) Dadkaaga dhinac ka raac waxba laguuma haystee
2) Doorkaagana buuxi.
Bal aan dhuganno hadalkii maanta ee inaadeerkay iyo xaaladaha maskax
ka beddelku siday isu rumaynayaan. Doodda saami qaybsigu guud ahaan
waxay u dhexeysaa "beesha dhexe iyo beelaha darafyada" (Isaaq iyo inta
kale). Waxa dooddu ka taagan tahay ma aha qof noogu dara iyo qof nooga
soo jara Isaaq midna. Dooddu waxa waxa weeye, in saamiga guud ee tirada
lagu salaynayo wax laga beddelo. Saamiga hadda lagu wada joogo, ee lagu
galay doorashadii xildhibaannada ee 2005 wuxuu ku salaysan yahay tiradii
xildhibaannada ee 1960 oo lugu dhuftay kursigiiba 2.5, (33 x 2.5).
Go'aankii lagu gaadhay saami qaybsigaas wuxuu ahaa mid ku meelgaadh ah.
Waxana ballantu ahayd inaan mar danbe sidan wax lagu qaybsan. Beelaha
darafyadu waxay rabaan in la isla afgarto saami qaybsi cusub oo ka
beddelan kii ku meelgaadhka ahaa, lana fuliyo ballantii. Sida muuqata
Mudane Siciid wuxuu iska indho tirayaa mucda doodda oo ah "saamiga
tirada lagu sar goynayo", wuxuuna u boodayaa tiradii ka soo baxday 33 x
2.5! Sida muuqata Siciid isagoo reer Sheekh Isaxaaq isu haysta (u
doodaya) wuxuu leeyahay "ma jirto wax kuraas ah oo beesha dhexe ka
haysataa beelaha darafyada". Inaadeerkay haddaanu "qaramaysnayn" wuu
garan kari lahaa in dooddu tahay saamiga tirada lagu sar goynayo. Weliba
ku darsoo Siciid waa nin wax bartay oo ilaa heer Jaamacadeed aqoontiisu
gaadhsiisan tahay. Laakiin waa qof cusub.
Waxa muuqata, in mudanuhu denbiga saarayo kuwii dulmiga tirsanayey,
oo leeyahay Gadubiirsayoow idinkaa kuraas dheeraada ka haysta
walaalihiin Ciise. Sidoo kale wuxuu leeyahay Warsangeliyoow idinna
kuraas dheeraada ayaad haysataan oo xaqdarro ah. Marka uu dooddan ku
doodayo, waxaad arkaysaa isagoo gebegebadii intuu geesaha eego leh "ma
jiraa cid i siinaysa secondment" yacni cid i taageeraysaa. Arrintani
waxay muujinaysaa, in mudanuha ay fikirkan soo wada rogrogeen
halyeeyadiisii reer Sheekh Isaxaaq rag ka mid ah intaan golaha la
imaan. Waxase nasiib darro dhacday markuu fikirkii keli ku noqday oo
cidiba u juuqi weydey. Sababta xildhibaannada beesha dhexe ugu aammuseen
waxa loo micnayn karaa, mar haddii waxay rabeen Siciid u yidhi, inaanay
iyagu doonayn inay doodda Siciid qayb ka noqdaan, oo isu daayaan
beelaha darafyadu ha is xagxagteene.
Gebagebadaii: Qofka dulman ee maskaxda laga beddelay wuxuu soo baxaa
qof cusub. Wuxuuna galaa marxalad cusub oo leh xaqiiqo cusub iyo waayo
cusub. Hase yeeshee, haddii loo geeyo culimada cilmi nafsiga, ama laga
kaxeeeyo dadkii waxyeelleeye, oo loo geeyo bulsho kale, waxa dhacda inuu
qofkii dib isu helo kana baxo xaqiiqooyinkii loo sameeyey ee beenta
ahaa (false reality). Intaa ka bacdina uu galo marxalad cusub oo ka
turtunta qofnimadiisa dhabta ah.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "markhaati been ah nin furay, kii uu ku furayna og, kii uu u furayna og".
QORE: MAXAMUUD IBRAHIM (XAAJI)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...