Nin Farta Iska Jaray Markii U Codeeyay Xisbi Khaldan

0
Friday April 19, 2019 - 16:52:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Farta Iska Jaray Markii U Codeeyay Xisbi Khaldan

    Nin codkiisa ka dhiibtay doorashada Hindiya ayaa sheegay in uu farta iska jaray, ka dib markii ay u caddaatay in uu u codeeyay xisbi "khaldan".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin codkiisa ka dhiibtay doorashada Hindiya ayaa sheegay in uu farta iska jaray, ka dib markii ay u caddaatay in uu u codeeyay xisbi "khaldan".

Pawan Kumar ayaa sheegay in uu si kama ah ugu codeeyay xisbiga talada haya ee BJP, muuqaal uu iska duubay ayaana aad la isula wadaagay.

Wuxuu doonayay in uu u codeeyo xisbi gobol balse wuxuu ku wareeray calaamadaha badan ee laga kala dooranayay mashiinka laga codaynayay.

"Qof kaste oo codeeyay waxaa far murugsatada loo mariyay khad aan dhayal uga ba'ayn.



Khamiistii ayuu codkiisa ka dhiibtay deegaanka Bulandshahr oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh. Tan ayaa ahayd wareegga labaad ee doorashada guud ee Hindiya ka dhacaysa.

"Waxaan rabay in aan u codeeyo maroodi balse si kama ah ayaan u doortay ubax," waxaa sidaas laga maqli karaa muuqaalka kumaar laga duubay. Wuxuuna ula jeedaa calaamadaha ay kala adeegsadaan xisbiyada ee ka soo muuqda mashiinnada lagu codeeyo kaas oo uu ku ag yaalo musharax walba magaciisa.

Calaamadda xisbiga talada haya ee BJP waa ubax, maroodigana waxay astaan u tahay xisbiga BSP, xisbigaas oo ah midka ugu miisaan wayn gobolka oo xulafo la samaystay labo xisbi oo kale ayaa loolan kula jira xisbiga talada haya ee BJP.


Calaamadaha xisbiyada ayaa door muhiim ah ka ciyaara doorashada Hindiya maadaama oo dad badan aysan waxba akhriyin ayna u sahlantahay in ay calaamad u codeeyaan. Waxaa sidoo kale aad u badan xisbiyada gobollada oo codbixiyeyaashu ay ku jahwareeraan.

Doorashada ayaa toddobo waji ah codadkana waxaa la tirin doonaa 23 bisha May. 900 oo milyan oo ruux ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan. Waana doorashadii ugu baaxad waynayd ee abid ka dhacda adduunka.


BBC

Loading...
Loading...