Shir Uu Madaxda Maamul Goboleedyada Ugu Baaqay Madaxweyne Farmaajo Oo Dib U Dhacay Iyo Sababaha Keenay

0
Friday April 19, 2019 - 05:53:16 in News by
  • Visits: 1744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Uu Madaxda Maamul Goboleedyada Ugu Baaqay Madaxweyne Farmaajo Oo Dib U Dhacay Iyo Sababaha Keenay

    Shirka Dawlada Federaalka ah iyo maamul goboleedyada oo baaqanaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Dawlada Federaalka ah iyo maamul goboleedyada oo baaqanaya

 


Muqdisho(HWN):-Shir ay iskugu iman lahaayeen madaxweynaha soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada soomaaliya ayaa u muuqda inuu markale dib u dhacay.


Shirkan oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ayaa qorshihiisu ahaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 19/04/2019, isla markaana lagu soo casuumay madaxda maamul goboleedyada soomaaliya ayaa dib u dhacay iyada oo aanay jirin shir furmayo iyo madax soo gaadhay caasimada.

Image result for farmaajo


Sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay arinta baaqashada shirkan ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyadda ay diideen inay ka qeyb galaan shirka sababo kala duwan awgood.


Madaxda Maamul goboleedyadda Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, iyagoo halkaas kulamo ka dhan ah dowlada federaalka kula leh qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka.


Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa horey shuruud ugu xiray inuu ka qeyb galo Shirka, waxaana Galmudug ay sheegtay in marka hore loo fasaxo dhaqaalaha ay ka xanibtay dowlada, lana fuliyo heshiisyaddii lagu gaaray Garoowe.


Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale diiday in shirka Garowe lagu qabto Muqdisho Maadaama horay uu ballanku ahaa in lagu qabto Garowe sida uu iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo.


Loading...
Loading...