Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Guclo Ugu Jirta Inay Xidhiidh Dhow La Yeelato Maamulka Madaxweyne Trump Iyo Shirkad Ka Caawinaysa Arrintaas

0
Thursday April 18, 2019 - 19:40:30 in News by
  • Visits: 5155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Guclo Ugu Jirta Inay Xidhiidh Dhow La Yeelato Maamulka Madaxweyne Trump Iyo Shirkad Ka Caawinaysa Arrintaas

    Magaca Shirkad Ka Caawinaysa Xukuumada Somaliland Inay Xidhiidh Dhaw La Samaysato Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaca Shirkad Ka Caawinaysa Xukuumada Somaliland Inay Xidhiidh Dhaw La Samaysato Maraykanka


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa dedaal ugu jirta sidii ay xidhiidh dhow ula yeelan lahayd maamulka Madaxweyne Trump ee dalka Maraykanka, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.


Sida ka muuqata warbixin ay soo bandhigtay shirkada Glover Park Group oo ah shirkad Maraykan ah oo ay dawladda Somaliland heshiis kula gashay inay Maamulka Maraykanka gaadhsiiso farriimaha Somaliland, waxa ay shirkadu farriimo u dirtay hay’adaha kala duwan ee Maraykanka gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo lagaga codsanayo inay kulamo la yeeshaan madaxda Somaliland.




Shakhsiyaadka Maraykanka ah ee ay shirkadda GPG emailada u dirtay ee ay weydiisatay inuu la kulmo madaxda Somaliland waxa ka mid ah safiirka Maraykanka ee arrimaha Soomaalida Danjire Donald Yamamoto oo ay GPG email u dirtay October 1, 2018, kaas oo ay kaga codsatay inuu la kulmo madaxda Somaliland. Danjire Yamamoto ayaa lix bilood ka dib codsigas, wuxuu bishan magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweyne Biixi. Emailada ay shirkadu sheegtay inay 2018 u dirtay Masuuliyiinta Maraykanka waxa ka mid ah:


1. September 21, waxa ay shirkadani email u dirtay Mark Deikers oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, si uu isugu dubo rido kulan uu la yeesho madaxda Somaliland.


2. September 21, waxa ay shirkadu email u dirtay Stephen Kaufman oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda si uu isugu dubo rido kulan uu la yeesho madaxda Somaliland


3. Oktoobar 3, waxa ay shirkadu ka qayb qaadatay kulan u muuqda inuu ka dhashay emailadan oo ay madax ka tirsan Somaliland oo aanay shirkadu magacaabin la yeesheen saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo kala ah Stephen Kaufman, Michael Fooks, Amelia Canter iyo Inga Litvinsky waxaana kulankaas lagaga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka,.


4. Oktoobar 1 waxa ay shirkadu email u dirtay Donald Yamamato oo ay kaga codsanayso inuu la kulmo madaxda Somaliland


5. November 9, waxa ay shirkadu email u dirtay Mr. Michael Rubin oo isagu dhawaan socdaal ku yimid Somaliland, isagoo socdaalkiisa ka dib diyaariyay maqaalo taageero u ah Somaliland iyo qaddiyadeeda. Maqaalada waxa ka mid ah mid uu danjire Yamamoto ku canaantay sababta uu u soo booqan waayay Hargeysa.


6. November 20, waxa ay shirkadani email u dirtay Tibor Nagy iyo Michael Fooks oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo ay kaga dalbanayso inay kulan la yeeshaan madax Somaliland ka tirsan.


7. Mar kale ayay shirkadu Michael Fooks waxa ay email u dirtay 30 November, iyadoo ka dalbanaysa inuu kulan la yeesho madaxda Somaliland.


8. December 7 waxa ay shirkadu sheegtay inay madaxda Somaliland ku wehelisay kulan ay la yeesheen saraakiil ka tirsan waaxda difaaca ee Maraykanka oo lagaga wada hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka.


Waxa kale oo ay shirkadda GPG soo bandhigtay emailo kale oo ay u dirtay xildhibaano ka tirsan aqalada Koongareeska iyo Senatorska ee Maraykanka oo ay ku weydiisanayso inay la kulmaan madaxda Somaliland.


Xukuumadda ayaa shirkadan kula jirta heshiis ah inay bishii siiso 20,000 oo dollarka Maraykanka, waxaanay shirkadani sheegtay in heshiisku yahay inay Somaliland u noqoto jid ay xukuumadu u marto xidhiidhka.


Xigasho:-wargeyska Geeska Afrika
Loading...
Loading...