Dhalinyarada Burco Maxay Kaga Jawaabeen Xadhiga Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon?

0
Thursday April 18, 2019 - 15:35:57 in News by
  • Visits: 2801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarada Burco Maxay Kaga Jawaabeen Xadhiga Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon?

    Dhalinyarada Burco Maxay Kaga Jawaabeen Xadhiga Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyarada Burco Maxay Kaga Jawaabeen Xadhiga Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon?


Burco(HWN):-Qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Burco ayaa isku soo bax ku muujiyey sida ay uga soo horjeedaan talaabada ay xukuumadu xabsiga ku dhigtay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ciidamada boolisku xalay ka qabteen magaalada Burco.




Dhalinyaradan ayaa iskugu soo baxay shaaricyada magaalada Burco, iyaga oo sitay boodhadh ay ku soo muujiyeen kalmado ay kaga soo horjeedaan xadhiga Weriye Coldoon, iyada oo isku soo baxyadan dhalinyaraduna aanay ku fidin magaalada Burco.


Dhinaca kale odoyaasha magaalada Burco ayaa dhalinyarada ka hor istaagay inay sii wadaan banaan baxooda, iyaga oo ku wargeliyey inay joojiyaan isla markaana aanay samayn wax rabshado ah.



Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa laga dareemayaa dareen taban oo bulshadu ay ka bixinayso talaabada ay xukuumadu xabsiga ku dhigtay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon.


Dhinaca kale xukuumada somaliland ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga weriye Cabdimaalik Coldoon iyo eedaymaha loo haysto, iyada oo ciidamada amaanku markiiba isku soo dhaafiyeen magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Loading...
Loading...