Xaqiiqada Qaabkii Uu U Dhacay Hawlgalkii Ciidamadu Ku Qabteen Weriye Coldoon Iyo Halka Uu Hada Ku Sugan Yahay

0
Thursday April 18, 2019 - 15:12:16 in News by
  • Visits: 5977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqada Qaabkii Uu U Dhacay Hawlgalkii Ciidamadu Ku Qabteen Weriye Coldoon Iyo Halka Uu Hada Ku Sugan Yahay

    Qaabkee ayaa loo qabtay weriye Coldoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabkee ayaa loo qabtay weriye Coldoon


Hargeysa(HWN):-Qoyska wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa faah faahin ka bixiyey qaabkii uu u dhacay hawl galkii ay ciidamada booliska magaalada Burco ku qabteen weriyahaasi.

Image result for weriye coldoon


Qoyska weriye Cabdimaalik oo ka warbixinayey qaabkii hawlgalku u dhacay ayaa weriye Dawlad Xasan Cilmi u sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya in qaar ka mid ah hawl wadeenada la shaqeeya ay lug ku lahaayeen xadhiga Coldoon.


Warbixinta ay soo bandhigeen qoyska Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa u dhignayd sidan:-


Cabdimaalik muuse coldoon oo uu weheliye inaabtigii Diiriye jaamac cabdi waxay wateen gaadhi indhacade ah saacadu markay ku dhaweyd 9kii habeenimo waxay gaadhiga kaga dageen agagaarka xafiiska sagal jet ee magaalada Burco halkaas oo uu cabdimaalik ku salaamayay qaar ka mid ah asxaabtiisa, intaas ka dib waxay soo kaxaysteen gaadhigoodii iyaga oo ujihaystay dhinaca xaafada mac-hadka ee burco markii ay guriga gaadheenba waxay ku war heleen gaadhi indhacad ah oo ciidan saaranyihiin oo si xawli ah dhinacooda ugu soo ordaaya intaas ka dib cabdimaalik gurigii ayuu gudaha ugalay wuxuuna doonay in uu ka dhaco xaga dambe ee guriga waxaa badhitaaray oo ku taageeray ka booditaankii uu guriga xagiisa dambe ka boodayay rafiiqiisii diiriye jaamac cabdi oo mudooyinkii dambe isagu rafiiq u ahaa cabdimaalik,.


Intaas ka dib cabdi maalik oo ciidan badani ay jihooyin kala duwan ka soo weerareen ayey ciidamo kalegacanta ku dhigeen kadib markuu ka soo baxsaday kuwii guriga kadinka hore ka soo galay, cabdimaalik waxaa lagu xidhay xabsiga dhexe ee magaalada burco balse isla xalay ayaa loo soo gudbiyay magaalada hargeysa oo markii horeba waaranka qabashadiisa laga soo diray.


wararka sheegaya in ay basaaseen qaar ka mid 2diisii saaxiib ee ay hawdka wada galeen waxba kama jiraan, khilaafna kamuu dhaxayn asxaabtiisan, xadhigiisana waxaa looga shaki qabaa in uu ka dhashay salaantii uu dadka salaamayay in lagu war helay gaadhiga uu wato iyo socodkiisaba halkaasna laga raad qaaday.


cabdimaalik waa astaan ka mid ah kuwa ra’yi dhiibashada iyo xoriyada waana suxufi ay kuwada tashadaan umada soomaalidu mana matelo qabiil gaar ah waxaynu u rejaynaynaa in uu cadaalad helo inaga oo ku hanweyn in uu xoriyadiisa heli doono hadii aan lagu haysan dambiyo lagu cadeeyay.


Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...