Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Sadex Wasiir Iyo Baarlamaanka Oo Cod U Qaaday

0
Thursday April 18, 2019 - 14:47:30 in News by
  • Visits: 2228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Magacaabay Sadex Wasiir Iyo Baarlamaanka Oo Cod U Qaaday

    Wasiirada cusub oo qaarkood madaxweyneyaal ka soo noqday maamulada Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada cusub oo qaarkood madaxweyneyaal ka soo noqday maamulada Itoobiya


Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa magacaabay sadex masuul oo ka mid noqonaya xukuumadiisa.




Raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa xukuumadiisa ku soo daray sadex wasiir oo xilalna ka soo qabtay qaar ka mid ah maamulada dalka Itoobiya.


Madaxweynihii hore maamulka gobolka Amxaarada Gedu Andargachew ayuu raysal wasaaraha Itoobiya u magacaabay inuu noqdo wasiirka arimaha dibada Itoobiya, waxaanu xafiiska ka badalayaWorkneh Gebeyehu oo xil cusub looga magacaabay qaramada midoobay.


Sidoo kale raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa wasiirka gaashaandhiga u magacaabay madaxweynihii maamulka Oromada Lemma Megresa, halka uu wasiirka horumarinta iyo dhismahana u magacaabay haweenayda Eng Aish Mohammed.


Sidoo kale baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa fadhi ay iskugu yimaadeen waxay codka kalsoonida u qaadeen wasiirada cusub ee raysal wasaaruhu magacaabay kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, iyada oo wasiiraduna ay si toos ah u bilaabi doonaan shaqadooda.



Hadhwanaagnews.com


Loading...
Loading...