somaliland oo ku baraarugtay Goobaha Dalxiiska ah ee ku yaala

0
Thursday April 18, 2019 - 13:35:14 in News by
  • Visits: 2849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    somaliland oo ku baraarugtay Goobaha Dalxiiska ah ee ku yaala

    somaliland oo ku baraarugtay Goobaha Dalxiiska ah ee ku yaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

somaliland oo ku baraarugtay Goobaha Dalxiiska ah ee ku yaala




Dadka u ololeeya deegaanka ayaa u arko in booqashada Madaxweyne Muse Biixi ee goobaha taarikhiga ah ee Somaliland ay sare u qaadday ahmiyadda ay leeyihiin goobahaasi.



Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda ayaa maalin ka hor boqday deegaanka laasgeel, oo ay ka muuqdaan farshaxano ay ka tageen dad la sheegay inay ku noolaan jireen kumanaan sano ka hor.


Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka ay baaraan oo ay sal-gaaraan ilbaxnimadii dadkii hore, halka lagu mashquuli lahaa gabayada geela lagu kala qaaday.


Goobaha taariikhiga ah ee Somaliland.


Labaatankii sano ee ugu dambeeyay goobo badan oo taariikhi ah ayaa laga helay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland. Waxaa haatan jira in ka badan boqol goobood oo ay ugu caasan taay Laas Geel oo laga helay dhagxaan ay sawirro ku xardhan yihiin oo 9000 jirsaday. Si kastaba, dhagaxaantan ma aysan aqoonsan mana ilaaliyaan ururrada daryeela goobah ataariikhiga ah sida UNESCO.


Dr Saada Mire oo ah khabiir dhanka deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegtay in Somaliland ay ku yaallaan goobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay tahay in laga warqabo oo la ilaaliyo.


Laasgeel oo 40 meyl dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhan yihiin , kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.


Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ah muddo labaatan sano ka hor ah.


Suldaan Cumar Tareedh wuxuu ka mid yahay dadka halkaasi ku dhashay ee ku soo barbaaray, wuxuu BBC-da u sheegay in Laasgeel ay ahayd meel barwaaqo ah oo uu geela ku raaci jiray.


"Markii hore waan arki jirnay sawirrada ku xardhan, laakiin cedna tixgelin ma siin jirin oo lama garaneyn micnahooda." Ayuu yiri.


Somaliland waxaa ku yaalla meelo badan oo taariikhi ah sida Awbarkhadle, Seylac iyo Sanaag, dhammaantoodna waa astaan muhiim ah, waxaase laga yaabaan in goobahaas ay baaba`aan haddii aysan aqoonsan hay`adda Qramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka, ee UNESCO.


Loading...
Loading...