Madaxweyne hore oo gacantiisa isku dilay

0
Thursday April 18, 2019 - 12:11:25 in News by
  • Visits: 2103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne hore oo gacantiisa isku dilay

    Madaxweyne hore oo gacantiisa isku dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne hore oo gacantiisa isku dilay



Madaxweynihii hore ee dalka Peru Alan García ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliksa tageen gurigiisa, si ay ugu soo xiraan eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay.



Mr García ayaa markii hore loola cararay isbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima.


Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra.


Dadweyne taageerayaashiisa ah ayaa isugu tagay afaafka hore ee isbitaalka la geeyay waxaana is hor taagay booliska oo is abaabulay.


Mr García ayaa lagu eedeeyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leyahay dalka Brazil, inkastoo uu horay u beeniyay sheegashadaas.


Saraakiil ka tirsan booliska ayaa loogu diray inay soo xiraan, si loogu sameeyo baaritaanno la xiriira eedeymahaas.


Wasiirka arrimaha gudaha Carlos Morán ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay booliska tageen gurigiisa, uu Mr García ka codsaday inuu telefoon dirsado, ka dibna uu galay qol, albaabkana uu soo xirtay.


Daqiiqado ka dib, waxaa la maqlay dhawaaq rasaas, ayuu yidhi Mr Morán.


Booliska ayaa xoog ku furay albaabka waxayna arkeen Mr García oo ku fadhiya kursi, madaxana ay uga taallo xabad.


Alan García ayaa horay labo jeer madaxweyne uga soo noqday dalka Peru.


Markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii.


Xigasho BBC Somali


Loading...
Loading...