Mudaharaado Dawlada Ka Dhan Ah Oo Muqdisho Laga Abaabulayo Iyo Xukuumada Oo Ciidan Gaar Ah Soo Bandhigtay.

0
Thursday April 18, 2019 - 06:49:39 in News by
  • Visits: 2028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudaharaado Dawlada Ka Dhan Ah Oo Muqdisho Laga Abaabulayo Iyo Xukuumada Oo Ciidan Gaar Ah Soo Bandhigtay.

    Mudaharaado Dawlada Ka Dhan Ah Oo Muqdisho Laga Abaabulayo Iyo Xukuumada Oo Ciidan Gaar Ah Soo Bandhigtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaharaado Dawlada Ka Dhan Ah Oo Muqdisho Laga Abaabulayo Iyo Xukuumada Oo Ciidan Gaar Ah Soo Bandhigtay.


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa soo bandhigtay ciidamo gaar ah oo ay ugu tala gashay inay ka hortagaan mudaharaado ka dhaca magaalada Muqdisho.





Dawlada Soomaaliya ayaa ciidamada ay soo bandhigtay waxay sheegtay inay ugu tala gashay inay ka hortagaan banaanbaxyada rabshadaha wata ee ka dhaca dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.


Dhinaca kale dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa iskugu baaqay banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan dawlada Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre oo ay iskugu soo baxaan magaalada Muqdisho.



Dadweynaha Muqdisho ayaa baraha bulshada iskugu diraya fariimo dhiirigelinaya in laga wada qayb galo mudaharaado ka hilaaca Muqdisho oo dawlada ka dhan ah.


Lama oga ilaa iyo hadda cidda leh abaabulka dibadbaxan lagu baaqay balse siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa arintan ku eedeeyey xisbiyada mucaarid ah iyo shakhsiyaad ka soo horjeeda dawlada, kuwaas oo uu tilmaamay inay abaabulayaan mudaharaadada ka dhanka ah dawlada.


Walaaca laga qabo fal calinta ka dhalan karta haddii ay dibadbaxyadan dhacaan ayaa sidoo kale ah arin bulshada walwal ka muujineyso maadaama ay dawladuna soobandhigtay ciidan gaar ah oo ay ugu tala gashay.


Dadka qaar ayaa dibadbaxyadan lagu baaqay ku sheegay in ay yihiin kuwo nabdoon oo looga soo horjeedo oo kaliya tacadiyada ay ciidamada u geystaan shacabka, gaar ahaan Dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata, oo bilihii la soo dhaafay ay ciidamada toogasho ku dileen dhalinyaro badan.



Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya

Loading...
Loading...