Lafa-gurka Hadalladii Ay Sompower Shalay Ka Yidhaahdeen Kulankii Guddida Golaha Wakiillada Somaliland

0
Tuesday August 11, 2020 - 11:47:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lafa-gurka Hadalladii Ay Sompower Shalay Ka Yidhaahdeen Kulankii Guddida Golaha Wakiillada Somaliland

    Qoraalka farriin naqdi ahayd oo aan muuqaalkeeda halkan saaka ku faafiyay…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalka farriin naqdi ahayd oo aan muuqaalkeeda halkan saaka ku faafiyay…

Naarnaar (3)Lafa-gurka Hadalladii Ay Sompower Shalay Ka Yidhaahdeen Kulankii Guddida Golaha Wakiillada Somaliland…..



Farriin ku socota Madaxweynaha Somaliland Ee ballanqaadkiisii ilaalinta suuqa xorta ah ee korontada iyo saluugga laga qabo wasiirkiisa macdanta iyo tamarta.


Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada Somaliland Degaanka iyo Khayraadka ayaa shalay 9kii Ogos 2020ka u yeedhay shirkadaha korontada Hargeysa u shida oo kala ah Sompower, Telesom, Indha-birta iyo Gaafane.Waxa Sompower ka socday dhawr wakiil, halka shirkadaha kale aan ka arkay hal qof oo Indha-birta ah. Kalsooni-darro ayaa isa soo raacisay. Shirkadaha kale waxa ay ka cawdeen in aan loo oggolayn inay magaalada wada gaadhaan oo koronto siiyaan, taas ayaa keenaysa in diiradda la saaro shirkadda ku kelida ah inay koronto siiso 70% Hargeysa.


Xildhibaannada qaarkood sida Bukhaari ayaa ka cawday in 10 jeer la diiday saacad uu iibsaday, halka markii 11aad laga aqbalay. Gebi ahaan waxa ay ku doodeen in aanay saacadaha qaar shaqaynnin, oo ay dadka kala doorran siiyaan dhawr saacadood. Waxa ay ku doodeen in $10 la mid yahay qiimihii ay dadku ku iibsan jireen gaasta lagu shido faynuuska. Waynu eegi guddida la dhisayaa inuu noqdo mid aqoon lagu xulo oo dhex ah iyo inuu noqdo u adeega danahooda.


Waxa aan si kooban u gorfayn doonaa weedhihii innaga soo gaadhay iyo waraysiyadii lala yeeshay masuulyiinta Sowpower, waxa hadalkooda ku jiray inaanay lacag ka qaadin xarumaha dawladda sida DHH, waxa ay yidhaahdeen "Dawladda Hoose ee Hargeysa waxa aanu ku leennahay $300,000. Maayarkan hadda joogaa sidii uu u qabsaday lacag nalama siinnin, welina idiinma aannaan iman, meel keliya oo aanu bakhtiinnayna ma jirto”. Lacagtaas ma sadaqo ayaad ula niyooteen?.


Wiil ka hawlgala Sompwer ayaa dhaliilay dawladda Hoose ee Hargeysa, masuuliyiinta DHH ayaa la hadlay madaxda Sompower, waxa loogu hanjabay in uu shaqadiisa ilaashado. Dawladda Hoose waa ay iska bixin kartaa korontada, danyarta ayaa u baahan inaad la saayirtaan. Haddaad siddeed sanno sugteen oo u samirteen kumannaan kun oo dollar, maxaad shan cisho ugu qabataan rayidka? Maxaa eber ama zero ka dhiga qaansheegtiinna qaybta saayiraadda (discount) ee shacabka aad u jartaan? Ma nin wax haysta ayaad wax ugu darteen? Ma wan weyn baad badhi ku shubaysaan?


"Ninka dibiga qalay ee

Dibjirkii ka qadiyee

Dibbirkii ka qadiyow

Duco kuuma soo hoyan” Ayuu abwaan hore yidhi.


Iyaga oo ka cabanaya gegada Cigaal ee Hargeysa waxa ay yidhaahdeen "Madaarka Hargeysa lacag kama qaadno, xadhig ah $80,000 ayaanu u jiidnay”, Markaas ma sadaqo ayaa ku baxaysa? Madaarka Cigaal waa il-dhaqaale oo saarta dakhli aad u badan, waanay iska bixin karaan lacagta korontada. Tan iyo markii aad korontada madaarka la wareegteenna ma jiraan adeegyo duullimaad ah oo habeenkii ahi.


Cusbitaalka guud ee Hargeysa waxa ay ka yidhaahdeen "Dhakhtarka Hargeysa lacag baanu ku leennahay labadii sanno ee u dambeeyay, welina mishiin kama bakhtiyin. Xukuumadahana midba ta kale ayay tidhaahdaa, sidii baanu u wadnaa” Korontadii ay dawladdu maamuli jirtay ayaa bilaash ku siin jirtay laydhka cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo xarunta Agoomaha. Caasha Qaalib oo ah maamulaha dugsiga agoonta Hargeysa ayaa ii sheegtay in lacag laga dhigay markii la xaraashay kaddib. Waa inaad ku dallacdaan qaansheeg. Cusbitaalka Guud waxa uu soo saaraa lacag ah daawooyinka, jiifka habeenka, shaybaadhka iwm. Ma aha wax aad ku faani kartaan in aad qaan ku leedihiin.


Iyaga oo ku doodaya in kiniisadaha lacag laga qaado, waxa ay masaajiddada ka yidhaahdeen "Illaa 1000 Masaajid baanu shidnaa, lacagna kama qaadno”. Qaar badan oo masaajiddada ka mid ahi waxa ay leeyihiin sanduuq dhaqaale oo dakhli loogu ururiyo. Qaarkood waxa ka socda ganacsiyo sida meherrada oo ay lacag ka qaadaan sida Masaajidka Rusheeye ee Sheekh Dirir, Masaajidka Cali Mataan ee Sheekh Maxamed Aadan, Masaajidka Alwaxyayn ee Sheekh Shabcaan ikk waa iska bixin karaan lacagta. Qaar kale waxa ay leeyihiin guryo loo kireeyo sida Masaajidka Huda ee Sheekh Maxamed Cali Geeddi dhisay.


Iyaga oo u jawaabaya dadka cabanaya waxa ay yidhaahdeen "Qolyahan yaryar ee baraha bulshada (social media) gelaysa waxa aan leeyahay, adeer malaha faynuus ma aydaan shidan. Waxa aanu filaynnay in nala ammaano” Mulkiilaha Hadhwanaag Hotel Xasan Bulbul oo sidaas yidhi, waxa aan leeyahay dadku waa u xor inay dareenkooda cabbiraan, cabashana waa ay muujiyaan. Adiguba markii shalay daadku ku galay waadigii cabanayay ee ka sannaadhay adeeg-xumada dawladda hoose ee aad korontada bilaashka ku siisaan. Shahaado waanu idin siin doonnaa, waa is-dhegamarinta, cunaqabadka iyo kootada aad ummadda ku haysataan. Faynuus waa aanu shidannay, waanan ku caana-maalnay. Xor ayaanu u ahayn in aannu deminno ama shidanno, ma ahayn cunaqabad qasab ah faynuusku.


Ciidanka ayay u manno sheegteen, waxaanay dhaheen "Saldhigyada Booliska ayaannu shidnaa” waxa aad shiddaan waa xafiisyada booliska, maxaabiistu waxa ay shitaan shamac ku bakhtiya daqiiqo, nalna ma helaan oo dukhaan ayaa ku soo daata. Dan ayaa idinka dhexaysa oo waa kuwa aad u adeegsataan inay xidhaan shaqaalaha shirkadaha kale iyo shacabka intaba. Boolisku uma baahna qaannabaad, waanay iska bixin karaan korotada, qaansheegta ku dallacda.


Iyaga oo ku faanaya inay dadka wax amaahiyaan kuna khasaaraan, waxa ay dhaheen "Ganacsiyada ayaa xidhma ama guryaha ayaa laga guuraa. Khasaare ah 55% ayaa na soo gaadha” Horta koronto uma xidhaan guri aad lacag hore ku leedihiin, qof kasta waa inaad dammaanad ka qaaddaan marka aad korontada u xidhaysaan. Haddii khasaare ah 55% ahi jiro maxaa albaabbada loogu laabi waayay?


Iyaga oo raba inay qiil u sameeyaan kicinta qiimaha korontada waxa ay yidhaahdeen "Waanu weynay wasiirkii hore Xuseen Cabdi Ducaale” imaka waxa jooga wasiir ka mid ah saamileyda Sompwer, waxaana nagu maqaalo ah inaad isku fahmi weydeen in qiimaha hoos loo dhigo. Nin tegay ha nooga sheekaynnina, ee wasiirka maanta Jaamac Maxamuud Cigaal xidhiidh noocee ah baa idinka dhexeeya? Saami intee ah buu leeyahay? Muxuu idiinku taageeraa kootada iyo duudsiga shirkadaha kale?


Waxa muuqata inay u qiil-raadinayaan kordhin, sidii gabayga ugu jirtay

Korontaduna waa qaali bay, qaar kaftameyeenee

Kurdigood hadday qayliyaan, kawnka Herer caawa

Kun anoon ka deyn baan berrina, sii kordhinayaaye


Waxa uu yidhi nin ka mid ahi"Runtii faqri kibray baynu nahay” dadku maaha sabool kibray idinka ayaa ah ayax ama dulin dhiig-miirad ah, bal eeg qiimaha korontada saddexda caasimadood ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti, intee ayay ka hooseeyaan Hargeysa. Idinka ayaan oggolayn in shilin dhulka idiinka dhaco.


Masuuliyiinta SOMPOWER waxa ay gebi ahaan dafireen in dhaqaale ka soo gaadhay bangiga adduunka, laanta Hargeysa, balse ay kab qayb ah u heleen Gebiley. Waxa kale oo sida warqad uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland soo saaray 6dii Juun 2010ka uu gaadhay mashruucaasi magaalooyinka Boorama, Burco, Badhan, Buuhoodle iyo Sheekh, waxa is-weyddiin leh sababta loo dhaafiyay caasimadda Hargeysa oo ay ku nool yihiin dadka ugu badani.


Gebi ahaanna waxa ay qireen in aanu 75% guulaysannin mashruucii korontada laga dhalinayay cadceedda ee Bacaado oo uu 10 bilood ka hor ama Oktoobar 2019ka daahfuray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Ma wax fadhiid ah ayay madaxweynaha ugu yeedheen oo uu xadhigga ka jaray? Goorma ayuu hirgelayaa oo shacabku helayaan koronto jaban, ma waxa ay labaatanka milyan ee dollar ku baxeen, ee socday laba sanno iyo badh ayaan weli gurguuran ama raad-barannin?


Madaxweynuhu waxa uu yidhi "Xukuumad ahaan waxa aanu ku dhaqmaynnaa oo aanu oggolnahay sida dastuurkeennu dhigaayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa xorta ah (free market). Dawladdu inay dadka u oggoshay, oo ay ku ilaalinayso, oo iyaga ay ku dhexdhexaadinayso, oo ay ku hagayso mooyee, in aanay dawladdu faragelin mayso suuqa xorta ah. Waayo caalam badan oo innaga horreeyay ayaa tijaabada caalamku waxa ay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka dalka horumariya, taas ayaannu ku taagannahay oo aanu ku dhaqmaynnaa”.


Waxa aan leeyahay Mudane Madaxweyne ma haynno suuqii xorta ahaa ee aad ballan-qaadday, suuqa tamarta Hargeysa waxa uu u xidhan yahay Shirkadda Sompower oo uu saami ku leeyahay Wasiirkaaga Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal. Waa muhiim inaad hubiso in suuqu xor yahay, hadalkaaguna aanu noqon warqad ah "sigaarka laguma cabbi karo” oo uu meel ku dhejiyo nin sigaarka cabbayaa.

 

Siciid Maxamuud Gahayr

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...