Abwaan Ina Gahayrow, Afhayenka Shacabkow, Noqo Magan Ilaaheen
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).
SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,
BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-ABWAAN INA GAHAYROW,AFHAYENKA SHACABKE,
ILAAHOOD U DIRAYOOW,ITAAL DARANE LIITIYO,
AGOOMA IYO MAATIDU,KUMA ILAABI DOONAAN,
INKASTABA HA GAADHE,ABAALKAASI WAAD HELI.
2-ULAJEEDAADA SIDA AAN,OGSONAHAY HOR ILAAHAY,
WEEYIYO WAXAD DHIGATAY,AKHIRO IFKA YEELADISE,
DANYARTA OOHINTOODIYO,XOGTAAD URURINAYSAA,
ADKEEYOO HA DAAYICIN,ABEESDIYO HALAQ KA ILAALI.
3-AADIGUU ADEEGSADO,ALLUUNBAY TIISA NOQOTAAYE,
AYDIN YAANAY KAA HELIN,ADIGOON BOGGAN UJEEDADI,
DHIBTODA EEBBE KAA DHAWR,MARNABA ILANMAYSIDE,
UMMADA U GARGAAROW,NOQO MAGAN ILAAHEEN.
ISMAIL .A.HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!