Guddoomiyaha SOLJA Oo Sharci-daro Ku Tilmaamay Ganaaxa Star iyo Universal

0
Monday August 10, 2020 - 21:21:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha SOLJA Oo Sharci-daro Ku Tilmaamay Ganaaxa Star iyo Universal

    Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay tallaabadda ay xukuumadda Somaliland ganaaxa lacageed ku dul dhigtay telefishanadda Star iyo Universal.


Taasoo uu ku tilmaamay arrin qayrul-sharci ah, isla markaana baal marsan dastuurka, shuruucda iyo xeerarka saxaafadda ee Somaliland.
Ururka SOLJA, Waxa Uu Si Aad Ah Uga Xun Yahay Tallaabooyinka Soo ...

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxa uu sheegay in aanay xukuumadu dariiq sharciya u marin ganaaxaasi lacagaleed ee ay labadda TV dul dhigtay.

Waxaanu tilmaamay Xuuto, in tallaabadaasi ay u arkaan mid ay xukuumadu ku qar-caqaladaynayso nidaamka haayadaha dawladda, isla markaana aanay wasaaradda warfaafintu sharciyan ganaaxi karin haayad warbaahineed oo gaar loo leeyahay.

"Go'aanka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland waxaannu u aragnaa mid baalmarsan Shuruucda dalka. Sidoo kalena, waxaannu u aragnaa in Xukuumaddu doonnayso inay awooddii Hay'addaha kala sarreeya ee qaranka ay gacanta ku qaadato oo ah inay soo saarto Go'aammo Sharci-daro ah.

Sida halkan ka muuqata Wasaaradda Warfaafintu waxay soo saartay gannaax lacageed oo dul dhigtay labadda Telefishan ee Star tv iyo Universal tv, iyaddoo ay Telefishanka Universal ku gannaaxday Lacag dhan 15,000 kun oo Doollar, halka Star TV-na lagu gannaaxay Lacag dhan 5,000 kun oo Doollar, waxay Wasaaraddu go'aankeeddan ku salaynaysaa qaraarkii ka soo baxay Maxkamadda sarre, kaasoo ahaa in Racfaanleyaashii xukunkaasi ay codsi u qortaan Wasaaradda si markaas ay Wasaaradda Warfaafintu go'aankeeddii hore ee Sharci-darada ahaa ee ay Ruqsaddaha uga qaadatay labadan Telefishan dib loogu eeggo, waxaannu u aragnaa tallaabo sharci-darro ah oo Wasaaradda Warfaafintu qaadday." Ayuu yidhi Guddoomiye Xuuto.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...