Faallo:-Somaliland Oo Noqotay Hoyga Tacaddiga Iyo Cadaalad Darada!

0
Monday August 10, 2020 - 20:16:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faallo:-Somaliland Oo Noqotay Hoyga Tacaddiga Iyo Cadaalad Darada!

    Hargeisa(HWN):-Jamhuuriyadda aan aqoonsiga haysan ee Somaliland ayaa noqotay hoyga Tacaddiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Jamhuuriyadda aan aqoonsiga haysan ee Somaliland ayaa noqotay hoyga Tacaddiga

Hargeisa(HWN):-Jamhuuriyadda aan aqoonsiga haysan ee Somaliland ayaa noqotay hoyga Tacaddiga iyo Caddaalad-daradda, kadib markii uu karkaarrada jabiyay Xadhiga iyo Dulmiga loo gaysannaayo Muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka Soomaaliyeed ee maal-gashiga ku leh Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeisa oo ah xarunta jamhuuriyadda bilaa aqoonsiga ah ee Somaliland.



Madaxweyne Muuse Biixi oo eedeeyay Dowladda Soomaaliya


Wakhtigan hadda la joogo Somaliland waxay ku jirtaa marxalad adag oo noloshii dadka cadhiidhi la geliyay dhankasta oo aad ka eegto, waxa kuu muuqannaysa Dulmiga iyo Tacaddiga bulshadda lagu hayo, iyaddoo loo adeegsannaayo awood dawladdeed oo aan tudhaale lahayn, marka aynu tusaale ahaan u soo qaadano magaalada Hargeysa oo ah Xuddunta Soomaalilaand, isla markaanna ay ku nool yihiin ummad aad u tiro badan, iyaddoo ay dad badanina Maal-gashiyo ka samaysteen, haddana maalinkasta waxa ka dhaca Boqolaal xadhig oo markaad mid mid ugu kuur-gasho aad ogaannayso in ruuxaa muwaadinka ah dulmi lagu haysto oo tacaddi lagu samaynaayo Naftiisa iyo midda Qoyskiisaba ah.

Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee Soomaalilaand markaad la sheekaysato waxay kuu sheegayaan in Saddexdii sano ee ugu danbeeyay uu Xadhigu tiro beellay, isla markaanna Caddaalad-daradii noqotay wax iska caaddiya oo loo badheedho qof muwaadin ah in Hantiddiisa lagu qabsaddo ama Baad laga qaaddo markuu Naftiisa u yaabbo.! Caddaalad-daradaasi waxay u dhacaysaa oo dhiiri-geliyay kadib markii uu Qoyska Madaxweynaha dalka maamullaa uu Qoysas dhan dhulkii ay degganaayeen ku qabsadday, iyaddoo ay Qoysaskaasi subax hore uun ku waabarriisteen Cagafyo dul taagan, dabaddeedna laga dhigay wax Cagaftii qaaday iyo wax Xabsiyadda Hargeisa lagu guro ilaa maantanna ay ku jiraan Xabsiyadda Hargeisa, iyaddoo Xaq iyo Xuquuq midna aannay lahayn.

Xukuumadda ka arrimisa Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi waa mid qayb ka ah Dulmiga iyo Tacaddiga ummada reer Somaliland lagu hayo, waa mid dhiiri-gelisa budhcadda dhulkii masaakiinta ku habsatay, waa mid iska tiirisay kala danbayn, Sharci iyo hannaan dawladdeed intaba, waxaannay u xuub-siibatay boobka iyo dhaca shacabka tabaalaysan ee duruufaha badani isugu darsameen, haddana waxay maraysaa in Hantiddoodii lagu qabsaddo dadkii soomaaliyeed ee maalgashiga iyo shaqo abuurka keennay Somaliland, kuwaasoo uu u danbeeyay Mulkiilihii Telefishanka Astaan TV oo muddo bil iyo dheerraada ku xidhan magaalada Hargeisa, iyaddoo danbiga loo haystaa uu yahay Somaliland umaad dhalan ee Hantiddaada nagu wareeji, ha yeeshee hadalkaasi waa Been ee xitaa kuwa Soomaalilaand u dhashay ayaa si qaab-daran oo Sharciga baalmarsan Hantiddooda looga qaaddaa, iyaddoo loo adeegsannaayo awoodda Xukuumadda Muuse Biixi.

Waxa hadda magaalada Hargeisa ka taagan oo Shacabkeeddu ka cabanayaan Shirkadda bixisa adeegga Korontadda ee SOMPOWER, taasoo ay Maal-gelinta ugu badan ay ku leeyihiin Madaxweyne ku-xigeenka Soomaalilaand Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Sarraakiil kale oo Xukuumadda Muuse Biixi ka tirsan, waxaanna qaab kooto ah loo siiyay degmooyin ka tirsan Caasimadda Hargeisa, iyaddoo xitaa aan la ogolayn in Shirkaddaha kale ee adeeggaas bixiyaa ay kula tartamaan, arrintaasi waxay keentay in Shirkadda SOMPOWER ay shacabkii degmooyinkaas ku qaali garaysay Korontaddii, taasoo ah mid aannay Shacabka dan-yarta ahi iska bixin karin, waxaanna ka dhalatay Cabasho xooggan oo bulshadda degmooyinkaasi ka keenneen lacagtaasi qaaliga ah ee Shirkadda SOMPOWER, waxaannay Shacabku dalbanayaan in adeegga Korontadda laga dhigo mid si furan loogu tartamo oo Shirkaddaha kale ee adeeggaas bixiyaa ay fursad u hellaan adeeggoodda si loo helo Koronto jabban oo bulshaddu qaaddi karto.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay noqotay hoyga Tacaddiga iyo Caddaalad-daradda, taasinna maaha tubtii iyo mustawihii Soomaalilaand laga eeggaayay 30 Sanno kadib, waxaanna loo baahan yahay in Xukuumadda joogtaa ay Sharciga iyo Sinnaanta ummadda dhawrto, isla markaanna hannaankan hadda lagu socdo si wayn wax looga badalo oo Soomaalilaand la badbaadiyo si ay ugu naalooto Amnigaa iyo Horumarkaas Shacabku abuurreen.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...