Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo La Shaaciyey

0
Monday August 10, 2020 - 18:18:58 in News by
  • Visits: 2055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo La Shaaciyey

    Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo La Shaaciyey


Xafiiska imtaxaanaadka qaranka Somaliland ayaa maanta shaaciyay natiijada Imtaxaanaadka shahaadiga ah ee fasalada 4aad ee dugsiyada sare.




Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta xafiiska imtixaanadka Qaranka oo ay goob joog ahaayeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland waxaa ugu horayn halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda waxbarashadda oo faahfaahin ka bixiyay tiro koob lagu sameeyay guud ahaan aradayda wax ka barta dugsiyada dalka.


Daa’uud Axmed Faarax guddoomiyaha gudida imtixaanaadka qaranka ayaa si rasmiya u shaaciyay natiijada imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalada afraad ee dugsiga sare waxaanu sheegay in aanay sanadkan jirin wax arday ah oo imtixaanka ka dhacay iyada oo ardayda ugu sareeyay kaalamaha waxbarashada ay galeen gobolada Togdheer, Awdal iyo Saaxil.


Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa ka hadlay dedaalka ay wasaaradu ugu jirto tayaynta waxbarashada qaranka.


Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa wasaaradda waxbarashada Somaliland ku taageeray tiro koobka iyo hubinta macalimiinta wax ka dhiga Somaliland.


Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) wasiirka wasaaradda waxbarshada iyo Sayniska ayaa sheegay in wasaaraddu hubisay oo tiro koob ku samaysay deegaanada u baahan goobo wax barasho wakhtiga dhawna ay bilaabi doonaan sida ay u kala mudanyihiin.


Imtixaankan ayaa imtixaanadii hore kaga duwan in aradaydii u fadhiistay imtixaanka aanay jirin cid dhacday.





Loading...
Loading...