Ganacsade Saami Ku Leh Shirkada Sompower Oo La Ogaaday Inuu Diidan Yahay Aqbalaada Dalabka Shacabka

0
Monday August 10, 2020 - 17:18:03 in News by
  • Visits: 2767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Saami Ku Leh Shirkada Sompower Oo La Ogaaday Inuu Diidan Yahay Aqbalaada Dalabka Shacabka

    Ganacsade Saami Ku Leh Shirkada Sompower Oo La Ogaaday Inuu Diidan Yahay Aqbalaada Dalabka Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade Saami Ku Leh Shirkada Sompower Oo La Ogaaday Inuu Diidan Yahay Aqbalaada Dalabka Shacabka


Labada ganacsade ee idiin muuqdaa waa Maxamed Jees Aadan Cabdi Cilmi iyo Cabdikariin Maxamed Diiriye Cali Cilmi waa ilmaadeer afraad. Midkood waa Guddoomiyaha Telesom, waxaanu aqbalay in la jebiyo qiimaha ku-hadalka TELESOM oo laga dhigay $7 bishii. Midkood waxa uu ka qayb qaataa danta guud, midna ma dhaafsana naftiisa iyo qoyskiisa.




 

Maxamed Jees Aadan Cabdi Cilmi waa saamile weyn oo ka tirsan Sompower, oo shidi jiray suuqa dhexe ee Hargeysa, waxaana ugu dambayn lagu qasbay in uu saami ka qaato Sompower. Dhawr shir illaa 3-4 ayay ka galeen saamileyda Sompwer in qiimaha la jebiyo "Haddii wax ka yar 0.63 laga dhigo, ha la ii celiyo lacagtaydii ayuu yidhi”, waa ninka loo mari waayay dhegaysiga cabashada shacabka. Waxa diidmadan qayaxan ku taageeray rag uu ka mid yahay Ganacsade Cismaan Kaahin oo ah ninka leh Kaah Fuelstation and Super Market.


 

Waxa yaraatay faaiidadii uu heli jiray markii uu keligii ahaa, halka bishii uu ka macaashi jiray wax ku dhaw $100,000 bishii, waxa uu Sompower ka helay sannadkii kowaad dhawr iyo soddon kun oo dollar, taas oo uu saluugay. Xitaa waxa uu mar TELESOM dhigtay $30,000, kaddibna wuu la baxay oo fooq ayuu ku dhistay. Markii uu ogaaday in sannadkii xigay uu faaiidi lahaa $60,000 ama labanlaab lacagta u taalla, farta ayuu dhexda ka qaniinay, waanu qoomammeeyay.


 

Imaka waa masuulka u xilsaaran in Korontada TELESOM aanay ku fidin Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee xidha shaqaalaha korontada.


 

Uur hooyo ayaa eex laga bartay.

Loading...
Loading...