Sompower iyo Qiimaha laydhka ee hal kilowatt...W/Q Maxamed Khayre

0
Monday August 10, 2020 - 17:12:08 in Articles by
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sompower iyo Qiimaha laydhka ee hal kilowatt...W/Q Maxamed Khayre

    Sompower iyo Qiimaha laydhka ee hal kilowatt...W/Q Maxamed Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sompower iyo Qiimaha laydhka ee hal kilowatt...W/Q Maxamed Khayre



Afeef

Beryahan dooda socota bulshada dhexdeeda ee ku saabsan shirkadaha waaweyn ee dalka sidaTelesom,SomteliyoSompwerwaa mid daaha ka qaaday cabashada iyo dareenka shacabka ee adeegyada tayadooda iyo qiimahooda. Runtii doodii waxay dhalisay in Telesom ka garaabto cabashada dadweynaha samaysana qiimo dhimis ka farxisay dhamaan macaamiisha iyo qurbo-jooga, sido kale qormadaydu waxay diirada saaraysa Sompower in ay fahanto dareenka macaamisha ay u adeegto mana aha beegsi gaar ah oo ku salaysan siyaasad , qabiil ama nin jeclaysi.

Aniga wuxuu halqabsigaygu yahay:



Hargeysa waa inay ka nolol jabnaata Newyork, London, Paris, Tokyo..iwm’.


Waxaan jeclahay arrimaha nolosha dadweynaha si toos ah u taabanaya inaynu dood ka furno iyada oo aan la siyaasadayn maskaxda inta la tuujiyo farta lagu fiiqo halka dhibtu taalo ka bacdi dhamaanteen aan raadino sidii dhibka jira dawadeeda loo heli laha. Ma haboona in dooda marinkeeda laga leexiyo.


Somaliland oo ah dal aad iyo aad faqiir u ah, miisaaniyada dalku GDP yahay 400 million oo dollar dakhliga sannadkii qofka soo gala noqonayo 100 dollar sannadkii waa marka tirada dadku tahay 4 million, sidee ayey macquul u tahay in Somaliland oo la miisaniyad ah xaafad ku taal yurub in qiimaha 1 kwh ee korontada hargeysa ka qaalisanaado 3 ilaa 6 jeer marka la barbardhigo 27 dal ee la isku yidhaahdo EU midowga yurub. Waxaa intaas dheer in shirkadaha wadamada yurub ee ka ganacsada korontadu ay si fiican u bixiyaan cashuurta isla markaasna ay dad fara badan shaqaaleeyaan.


Tusaale qiimaha 1 kilowatt KWH ee Denmarak waa 0.3 euro inta badana cashuur ayaa loo qaata oo

ku bixiyaan cashuur celcelis ahaan dhan 64.4% ku darso iyagoo intaas bixiya ayey macaash fiican sameeyaan weliba shaqaalaha u shaqeeya ay siiyaan mushahar aad u sareeya.


Sompower oo la wareegtay hantidii qaranka isla markana deeq ka hesha World Bank sheegtayna inay korontada ka dhaliso qoraxda waa maxay sababta ay ku noqotay shirkada dunida oo dhan ka koronto qaalisan oo ku iibisa 1KWH qiimo dhan 0,63 mararka qaarkoodna gaadha ilaa 0,79. Qiimaha sida xad dhaafka ah u sareeya wuxuu dhiig bax ku yahay shacabka iyo guud ahaanba dhaqaalaha dalka oo dadka intiisa badan sabool yahay. Sompower waxay ka koronto qaalisan tahay USA, CANADA, JAPAN, CHINA, AUSTRALIA, dhamaan Afrika iyo Carabta oo dhan . Bal jaantuskan hoose eeg oo ah 2019 wadamada midowga yurub EU iyo qiimaha korontada iyo weliba cashuurta ay bixiyaan.


Qiimaha Korontada.


Qiimaha korontada (oo sidoo kale loogu yeedho electricity tariffs ama qiimaha korantada) si weyn ayey ugu kala duwanaan karaan waddan ama deegaan ahaan waddan gudahiisa. Qiimaha korontadu waxay ku xidhan yihiin arrimo badan, sida:


Qiimaha mishiinada/qalabka korontada,(power generation price)

Kaabista dhaqaale ee dowladda ama canshuuraha,( subsidies and taxes)

Qaabka cimilada maxalliga ah, ( climate pattern)

Gudbinta iyo kaabayaasha qaybinta, (transmission and distribution infrastructure)

sharciyeynta Tamarta ee noocyada badan ah.

Qiimaha iyo cashuurtu sidoo kale way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xidhan tahay noocyada macaamiisha, sida caadiga ah guryaha degaanka ah, xarumaha ganacsiga iyo warshadaha.


Qiimaha korontada wadan walba wuxuu ku salaysan yahay qiimaha nolosha dalka madaama ay Tamartu udub dhexaad u tahay horumarka dalka siyaasada wadan weliba waa in la helaa nooca tamarta ee ugu jaban ha noqoto mid laga dhaliyo mishiin, tamarta dabaysha , tamarta cadceeda, tamarta biyaha ama tamarta nukliyeerka. Dhamaan wadamada caalamku waxay u suxul duubayaan si ay shacabkooda ugu heli lahaayeen tamar aad iyo aad u jaban dawladu waxay qayb ka qaadata cashuur dhimis iyo kaabis dhaqaale oo la siiyo shirkadaha koronta, halka baarlamaanka iyo wasaarada ku shaqada lihi dejiyaan sharcigiii lagu hagi lahaa koronta.


Gebogabadii

Wadan kasta caalamka sharciyo iyo hayado gaar ah oo xuquuqda shacabka, ganacsatada iyo dawlada intaba ilaalisa ayaa jira kuwaas oo raaca sharci gaar ah oo loo sameeyo. Tusaale caalamka badankiisu wuxuu leeyahay hayad la yidhaahdoPUBLIC UTILITY COMMISSION macnaheedu yahay GUDDIGA ADEEGGA DADWEYNAHA.


FG:Shirkada laydhka ee xamar BECO qiimaheedu waa 0.25 – 0.36 dollar halkii KW

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...