Baarlamaanka Galmudug Iyo Puntland Oo Kulan Yeeshay
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland.
Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa mid ku aadan Isbarashada Xildhibaanada Galmudug iyo Puntland, sidii labada Baarlamaan wada-shaqayn u yeelan lahaayen iyo in la iska kaashado is-dhexgalka labada Bulsho ee Puntland iyo Galmudug.
Kulankaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay Magaalada Gaalkacyo ku Casuumeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Xildhibaano kale.
Guddoomiye Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa ka mahad-celiyay casumaadii ay u sameeyeen Xildhibaannadda Baarlamaanka Galmudug, isagoona sheegay in labada dhinac ay iska kaashan doonaan Arrimo kala duwan.
Dhinaca Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiillad Puntland iyo Xildhibaanada Galmudug ayaa kormeer ku tagay dhismaha waddooyinka isku xira labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo