Cali Cosoble "Amni darada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waa dayac siyaasadeed".

0
Monday August 10, 2020 - 10:36:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Cosoble "Amni darada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waa dayac siyaasadeed".

    "Aniga waqtigii aan joogay Xildhibaannada xilligii ay doonaan ayay horay iyo gadaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aniga waqtigii aan joogay Xildhibaannada xilligii ay doonaan ayay horay iyo gadaal




Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlayay falalka Amni darro ee mararka qaar ka dhaca wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin Arrimo Siyaasadeed.

 

Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in waqtigii uu joogay Amniga wadadaas ay aheyd mid wanaagsan,hayeeshee haatan aysan mas’uuliyiinta mari karin,isaga oo sheegay inay sabab u tahay Arrimo siyaasadeed oo kajira degaannada Hir-Shabeelle.

 

"Aniga waqtigii aan joogay Xildhibaannada xilligii ay doonaan ayay horay iyo gadaal u socdeen hadii ay doonaan inay Barnaamijyo dhaqaajiyaan Xamar waa ay aadi kareen,laakin hadda waxaa ay noqotay in Xildhibaannada xayirnaadaan ilaa la helo 50 Xildhibana oo diyaarad gaar ah kireystaan ayuu yiri” Coosble.

 

Waxaa uu sheegay in sababaha Amni dararda wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu doonayo in lagu yareeyo dhaq dhaqaaqa Xildhibaannada oo badankood soo aada Magaalada Muqdisho.

 

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro lagu dilay Askar, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale.



Loading...
Loading...