Madaxweyne QOOR-QOOR oo ka digay in la fashiliyo shirka magaalada Dhuusamareeb-3

0
Monday August 10, 2020 - 10:30:45 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne QOOR-QOOR oo ka digay in la fashiliyo shirka magaalada Dhuusamareeb-3

    Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor


Madaxweyne QOOR-QOOR oo ka digay in la fashiliyo shirka magaalada Dhuusamareeb-3



Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) oo ku sugan dalka turkiga ayaa uga mahad celiyay Bulshada Galmudug gaar ahaan kuwa Magaalada dhuusamareeb sida ay u soo dhaweeyeen Wufuudii kala duwaneyd ee ka qeyb-gashay Shirkii ka dhacay Magaaladaas.

 

"Waxaan u mahad celinayaa Reer Galmudug, gaar ahaan bulshada Caasimada ee wax ka yar laba maalmood ku marti qaaday wufuuda faderaalka oo ka badnaa kun qofood, iyadoo magaaladu aysan laheyn guriyo waaweyn iyo Hoteelo,waxaana rajeynayaa in shirka kale ay doorkooda qaataan ayuu yiri” Madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa dalbaday in laga fogaado wax kasta oo lagu fashilin karo Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee la filayo in uu dhex-maro Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira.

 

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) waxaa uu ka sheegay Xaflad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.


Loading...
Loading...