Taliye Sare Oo Lagu Dilay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo
Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Maamulka Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan) ayaa ku dhintay Maanta Howlgal ay Ciidamada Puntland ka sameeyeen Warshada Kabista ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ayaa howlgal waxaa ay ka sameeyeen waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,waxaana ay iska caabin ay kala kulmeen rag hubeysan oo ka Ganacsanayay Maandooriyaha Khamriga,taas oo keentay in uu geeriyoodo Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa dagaal kooban kadib waxaa u suurtagashay in Gacanta lagu dhigo 8 rag ah oo ahaa kuwii ka Ganacsanayay maandooriyaha oo mid kamid ah uu yahay dhaawac iyo hubkii ay wateen.
14-kii Bishii May ee sanadkaan ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Maamulka Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxmed (Cismaan Itoobiyaan) kaas oo Maanta ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.