Milcsiga Qiime-jebinta Xaraabaha (Prank) Noqotay, Yoolka Kacdoonka iyo

0
Sunday August 09, 2020 - 10:26:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milcsiga Qiime-jebinta Xaraabaha (Prank) Noqotay, Yoolka Kacdoonka iyo

    Diiwaan-gelinta Waxyeellada Korontadu Geysatay ee Laga Meeraysanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diiwaan-gelinta Waxyeellada Korontadu Geysatay ee Laga Meeraysanayo

Sida ay isaga soo daba-dhacayaan farriimaha saluugga ka qaba korontada caasimaddu waad yaabtaa, lama tirin karo inta na soo gaadha 24kii saacadoodba. Hawsha ugu weyni waa in la kaydiyo, sidoo kale 8da waaxood ee Hargeysana waxa ka socda abaabul lagu muujinayo cabashada rayidka. Baraaruggu ma noqon karo xumbo iyo qiiro maalmo ah. Wada-jirka ummadda iyo inay farta ku fiiqaan waxa noloshooda taabanayo ayaa ah barta laga shidaal-qaadanayo ee laga helayo awoodda aan nusqaami karin.

 

Warkii ugu dambeeyay ee aan helay saacadaha dadka waaweyn ee xalay waxa uu ahaa in Sompower ay cabashada shacabka u aragto duullaan lagu qaadayo korontadeeda, waxaanay geed dheer iyo geed gaaban u fuulayeen inay aammusiyaan codka dadweynaha.

 

Waa ay iska dhega-tirayeen codka shacabka, haddana waanwaan iyo xal aan socon karin ayaa la soo hadal-qaadayay. Haddiiba gorgortan dhacayo, gole ummadeed oo goobjoog laga yahay baa wax lagu gorfayn karaa.. Guri, xafiis iyo meel kale midna diyaar uma nihin.

 

Maanta ayuun baan mar qudha ku war helay iyada oo la leeyahay "20% bay qiimihii jebiyeen”. U-qaadan-waa ayay igu noqotay, faallo kuma darsan, kama dareen-celin, waanan ka gaabsaday. Waan yaabay.. Nin haddii uu seexdo, soona tooso miyaanu isagii ahayn? Maxaa isku beddelay wax ka yar 12 saacadood? Muxuu ahaa shirkaas degdegga ahi? Miyaanu yeesheen kulan-warbaahineed ballaadhan?. Sidii riyihii marka geedka la lulo ku yaaci jiray ayaa loo boobay, shugux-shugux ayaa lagu didi gaadhay,

 

Markii aan doonay xogta runta ahna waxa la ii sheegay in qiime-dhimista 20% ahi ahayd kal hore oo la daahfuray mashruuc lagu sheegay korontada laga dhaliyo cadceedda. In warkaasi si qaldan u baxay, goaankana ay gaadhi karaan guddida sare ee shirkaddu ayaa tibaaxuhu tebinayeen.

 

Gebi ahaanna waa ay ka gaabsanayaan inay warbaahinta la hadlaan, suxufi tegay xafiiskooda waxa ay u oggolaadeen sawirro iyo xogta sida gurracan u faaftay. Waxa lagu faqayaa in wax la soo sido, la sugo, lana samro. Illaa hadma muxuuse noqon? Billee noqdaa buurtii foolatay ee jiirka dhashay?

 

Golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta ugu baaqay shirkadaha korontada inay qiimaha jebiyaan, ma ogi sida loo guddoomi doono ama gaashaanka loogu daruurayo dhambaalkaas.

 

Yoolku waa uu ka ballaadhan yahay in shirkadi dhahdo "intaas ayaanu hoos u dhignay”. Tallaabooyinka la rabo waxa ka mid ah:

1. In la helo suuq koronto oo xor loo yahay

2. In la kala garto Sompower iyo wasaaradda tamarta

3. In shacabka laga qaado waxa ay adeegsadaan oo aan la iska odhan $10

4. In la daryeelo shaqaalaha shirkadda ee xaqooda la duudsiyo

5. In la qaado masuuliyadda khasaaraha korontadu geysato, sida macaashkaba jeebka loogu shubto

6. In macaamiisha aan lagu qasbin saacado degdeg u socda oo dheef u leh ganacsata korontada

7. In la daryeelo macaamiisha oo la fududeeyo qodobka ah "shan cisho gudahood ayaa lagu jarayaa haddii aad bixin weydo lacagta”. Lama dhalo lacagta, dib ayay u dhici kartaa

 

Waxa aannu illaa xalay ku jirnay dib-u-eegista waxyeello kala geddisan oo korontada SOMPOWER u geysatay dad shacab ah oo isugu jira naf iyo maal. Waxa ay kaga warceliyaan meermeerin, axdi-burin, difraad iyo indha-caddayn. Dala’siga shaqaalaha iyo sida gegada loo dhaafiyo marka ay garba-beelaan ayaa ka mid ah waxyaabaha ogaalka ku sii biiraya.

 

Qudho go’ay iyo kuwo naafoobay oo aan ceel iyo jid midna loo saarin yaa ummaddu soo gudbinaysaa. Kiisaskani waa kuwo mudan in lagu qaado maxkamad furan oo laga qayb galo, dhan kastaana uu caddayntiisa iyo dooddiisa keeno.

 

Waxa aan akhristeyaasha ka codsanayaa inay soo gudbiyaan wixii xog ah ee ku saabsan:

 

1. Waxyeellada korontada ee la dafiro iyo dulmiga shaqaalaha

2. Dulmiga macaamiisha iyo daryeel la’aanta shacabka

3. Halkee ayuu marayaa mashruucii korontada laga dhaliyo cadceeddu?

 

Siciid Maxamuud Gahayr


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...