Aqoonta Asaasiga ah ee Somalida{Waa cuntada iyo cabitaanka}

0
Sunday August 09, 2020 - 10:15:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonta Asaasiga ah ee Somalida{Waa cuntada iyo cabitaanka}

    Salaaamu Alaikum,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaaamu Alaikum,

Read below the article. This article was included (once translated) in the contemporary language in London Secondary Schools. I ask you to put this on your website and publish it.

Reading Material {wax la akhriyo}



Aqoonta Asaasiga ah ee Somalida{Waa cuntada iyo cabitaanka}

Background knowledge of Somalia{Topic: Food and drink}


Dheefta xoolaha Somaalidu aad bay ujeceshahay wax kale oo ay bar-bar dhigaan majiraan. Aqoon bay u leeyihiin sida loo farsameeyo oo anaay u xumaanin haddii ay tahay Cad, Caano iyo Subagba.


Haddii aynu eegno xaga hilibka Somaalidu aad bay u cunnaan, haddii laga raagana wax dadka qaar ku dhaca wax loo yaqaan ama la yidhaahdo saruurad waa dareen hilib doonis ah. Xiisaha loo hayo hilibka waxay bartay dadka in loo sameeyo hab loo kaydiyo si loo haysan karo muddo dheer waxana ka mid sida loo habeeyo siyaabahan soo socda:


a} Falfalka: waa marka uu yahay kariska ee laga saaro maraqa ee uusan malin wax ka badan ooli karin ama la kaydin karin.


Kumbiska, Dubayga, shiiliinka, baruuro-fudlaha, jabdhanka, solayga noocyadiisa iyo muqmada waa siyaabaha kala duwan ee loo sameeyo marka hilibka loogu talo galo in la haysto muddo aad u dheer oo haddii ay doonto gaadhaysa sannado isaga oo aan xummaan xataa talaagadaha laguma hayn karo hilibk a muddo sidaas u dheer isaga aan xummaan. Bal baadhis ku samee farsamadaas.


Sida oo kale waxay Somaalidu jeceshahay Caanaha waxayna ku dhigaan weel lagu culay oo heer kulkiisu aad u sareeyo lana gaadhsiiyey heer kulka halka u sareysa oo aanay ku noolaan karin baktiiriyadu. Waxayna ku jirikaraan oo la kaydsan karaa ilaa muddo laba dodobaad ah waxayna u yaqaanaan magacyo ku salaysan marba sida dhadhankoodu isu bedelo. Tusaale ahaan kuwa Geela markay xoorka leeyihiin waa markay liska yihiin, gelin haddi ay yaaliin waxaisu bedelaan maydhadhaan ila ay ka gaadhayaan karuur ama ka ruur jawle muddo dheer baa la haysan karaa waana la qalajin karaa oo marba la qoysan karaa inta biyo lagu shubo.


Kuwa Lo’da iyo adhiguna waxay iska bedelaan dhay oo ay noqdaan dhanaan ila gadhoodh oo ah marka ay diyaarka u yihiin lulista marka subaga laga bixiyana waxay noqdaan Ciir oo fudadkeeda la kaydin karo oo la qalajin karo ka dibna biyo lagu qoyn karo.


Somalidu sida Islaamka kale waxa u banaan inay cunaan cuntada ku sugan shareecada islaamka iyo sunaha nebiga{SWC} Wixii aan kitaabka waa faqsanayn waa ka xaraan. Waxyaalaha sida tooska ah loo xaaraameyey waxa ka mid ah:


a} Hilibka doofaarka, wixii uu ku jiro iyo noocyadiisa oo dhan. Waxa ka mid noocyadiisa hilibkiisa laga jaro feedhihiisa{Bacon} saliidiisa{Lard} iyo hilibka laga dheego lugihiisa{Haam}.


b}Waxa ka mid ah waxa la xaaraameeyey hilibka aan dhiiga laga siidayn{ any meat containing blood}.

c} Waxa kale oo xaraan ah hilibka xayawaanka cuna xayawaanka kale hilibkiisa{ any flesh eating animals}

D}Waxa kale oo xaraan ah hilibka neefka lagu dilo gacmaha ee l ciijiyo{ any animal strangled}.

Waxa kale oo xaraan ah neefka lagu dilo garaacis ama meel laga soo tuuro{ any animal beaten to death or killed by fall}


F}Waxa isna xaraan ah hilibka aan lagu gawricin magaca Eebbe ee loo nisbeeyo cid kale sida sannamada{any animal not invoked the name of Allaah}.


Waxa hilibku xalaal yahay marka neefka lagu gawraco magaca Illaahay ee la yidhaado bismillaahi Raxmmaani Raxiim{ When the person slaughters an animal invokes the name of

Allaah


 makes the meat Xalaal}

Waxa muhiim ah in neefka si deg deg ah loo gawraco oo aan nafta lagu silcin, mididana laga qariyo oo aan latusin marka la gawracayo.


Waxa Somalida u xalaal ah kalluunka sida Islaamka kale umana baahna in la gawraco. kalluun mar qudha ah baa la gawracay waa markii Eebbe xalaasha ka dhigay.


Xaga cabitaan, Khamrigu waa xaaraan Soomaalida wixii wax isku falaya ee damiir iyo iimaan lihi ma cabbaan. Wixii kale Islaamka ayey kala mid yihiin.


Cuntada Soomaalidu waa mid isu dheeli tiran jidhkana korisa haddii loo qaato si fiican oo aan wax kale lagu darin.

Ali Hersi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...