Xeerka Denbiyada Galmada! "War Goormaa Raggu Sidan U Ba'ay?
W/Q: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
Maanta waxa barlamanka federaalka Soomaaliyeed la hor keenay in laga
doodo wax loogu yeedhay "Xeerka Denbiyada Galmada" (SEXUAL OFFENCES
BILL). Waxa laga yaabaa in sharcigan magac bixintiisa laga soo
minguuriyey reer galbeedka. Tusaale ahaan waddanka UK wuxuu leeyahay
sharci la yidhaahdo "Sexual Offences Act 2003".
Dal kasta sharcigiisu waxa uu ku suntan yahay oo ka turjumaa
caadooyinkiisa, dhaqankiisa iyo diintiisa. Khaasatan sharciyada
taabanaya arrimaha bulshada. Foolxumooyinka anshax xumada bulshada ee
aan shareecada waafaqsanayn ee ay ka midka yihiin, dhillaysiga, kufsiga,
faraxumaynta carruurta, dhaqanka qawm Luudka iwm. Dhammaan falalkan waa
wax diinteennu si faahfaahsan uga hadashay, hadday tahay Qur'aanka,
Axaadiista iyo culimada Islaamkuba.
Arrimahan oo dhan waxa waajib ka saaran yahay dawladda Soomaaliyeed
inay ka soo minguuriso diinteenna Islaamka iyo wixii inaga anfaca xeer
dhaqameedka Soomaaliyeed ee aan diinta ka hor imaanayn. Diinteenna
Islaamku waa ku cad yihiin masalooyin la xidhiidha mawduucan waxa
habboon in culimada/wadaadada loo diro inay baadhitaan diineed oo
qotodheer ku soo sameeyaan, erey bixin afkeenna iyo dhaqankeenna ka
turjumaysana ay usoo bixiyaan dhammaan falalka anshax xumada ah ee
arrimahan ku lugta leh. Markaa ka bacdina goleyaasha xeerdejinta la
keeno si ay u sharciyeeyaan dabadeedna hayadaha kale ee ku shaqada leh
loo gudbiyo si ay u dhaqan geliyaan. Lifaaqan sare markaad akhridid
ayaad ogaanaysaa muhiimadda erey bixintu leedahay.
Nimanka gaalaad ee sharcigan "Sexual Offences Act" laga soo
dheeganayo isku dhaqanna ma nihin isku cudurrona ma nihin, wax badan oo
aynu ceeb u naqaanno ayaa caadooyinkooda ah maanta. Erey bixintu waa
muhiim mana habboona wax dhaqankeenna ku ceeb ah inaynu ka soo amaahanno
dad aynaan ab iyo isir toonna wadaagin kala cudurro bulshona aynu
nahay. Haddaynu tooda qaadanno aakhirka waxa imaanaysa inaynu
cudurradooda bulsho soo xawilanno oo aqbalno inay nolosheenna iyo
qaab-fikirkeennaba ka mid noqdaan, aakhirkana dawadooda inaynu qaadanno
aynu ku khasbanaano.
Ujeedadaydu maaha, inaan qaar cudurrada reer galbeedka ka mid ahi
bulshadeenna dhex sunsumayn, ujeedadaydu waxay tahay inaynu cudurradaas
ka hor tagno oo ladagaallanno oo meeshii aynu ku aragno suulinno innagoo
isticmaalayna dawadii Ilaahay inoo jideeyey, cudurradaasna ugu
yeedhayna waxa aynu innagu u naqaanno haddaynu magac hore ugu lahaan
jirney, haddii kalena aynu magac sugan oo micne innaga inoo gaar ah leh
(oo diidmo iyo ceebayn xambaarsan) ula baxno. Waxaan diidanahay inaynu
turjumanno micnaha reer galbeedku sameeyey ee ereyada anshax xumada aynu
u naqaanno ee ay bustaha huwinayaan kana dhigayaan wax la aqbali karo.
Tusaale ahaan dhaqanka "qawm Luudka" waxay ula baxeen LGBT. Waana dhaqan
ay aqbaleen oo bulshadooda ka mid ah, welibana ay u ololeeyaan in
adduunka oo dhammi qaato fikirkooda. Innagu waxaynu naqaanna lab iyo
dheddig. Reer galbeed wuxuu kaloo yaqaannaa gabadh iyo wiil sida qoys
isqaba u wada nool (boy friend, girl friend), ama laba qof oo rag ah oo
sida qoys is qaba u wada nool (gays), ama laba dumar ah oo sida qoys is
qaba u wada nool (lesbian), ama laba qof oo rag iyo dumar kala ah oo
gogol ku kulmay iyagoo is ogol sexual consent) waana wax caadi ah oo
sharcigoodu damaanad qaadayo dhankoodana denbi maaha. Innagu waxaynu
naqaannaa nin iyo naag is qaba oo keliya ayaa gogol ku kulmi kara, wixii
kale denbi iyo foolxumo iyo dhillaysi weeye, bulshadana ceeb ku ah in
la ciqaabona mudan adduunka iyo aakhiroba.
Dhanka kale xuquuqda bani'aadamka ee ay ka hadlaan iyo erey bixintooda
iskuma waafaqsanin in badan oo ka mid ah. Falalkan foolxumada ah ee aan
kor ku soo xusay dhanka reer galbeedka waaba "horumar iyo ilbaxnimo
aadanuhu gaadhay." Waana wax shuruucdooda ku xardhan oo ay ku faanaan.
Inay sidaa sharcigooda u dhigtaanna iyagaa doortay xaq bayna u
leeyihiin, laakiin, waxa khalad ah inaynu kasoo amaahanno waxaas iyaguna
xuquuqda u yaqaannaan innaguna denbiga iyo anshax xumada u naqaanno.
Islaamku wuu inoo bayaamiyey, xaqa qoyska, xaqa seyga, xaqa marwada,
xaqa waalidka, xaqa carruurta, xaqa dadka waaweyn, xaqa deriska, xaqa
bulshadu kala mudan tahay, xaqa Ilaahay qofka ku leeyahay iwm. Uma
baahnin xuquuqdan oo erey bixin kale leh oo ka turjumaysa dhaqan reer
galbeed inaynu soo amaahanno, keliya waxaynu u baahan nahay inaynu
dhaqan gelinno keenna diinteennu inoo jidaysey ee dhaqankeennu
ogolyahay. Uma baahnin "gender balance, gender based violence, gender
equality, sexual offences law, universal declaration of human rights,
population control bill, feminism etc". Ereyadan oo dhammi waxay
leeyihiin micne xaddidan oo ku sargo'an dhaqammadii ay ka yimaaddeen.
Erey walba waxa ka ratibmaya micne sharci iyo abtirsiinyo hoose oo uu
sii yeelanayo. Markaa haddaad ereyadan sidooda u qaadatid oo sharciga
waddankaaga ku darsatid waxay la mid tahay adoo aqbalay micnekasta oo ka
farcama.
Gunaanad: Kufsiga, dhillaysiga, faraxumaynta carruurta,
qawmu-Luudnimada iyo anshax xumooyinka la hal maala waa in xeerar aynu
innagu leenahay oo ereybixintooda aynaan soo amaahan (luqad kale kasoo
turjuman) aynu ku suntannaa oo dhammaantood ciqaabtooda diinta iyo
dhaqankeenna ku salaynaa. Habdhaqanadan xunxun oo dhan waa inaynu ereyo
foolxun ula baxnaa oo micno sugan innaga inoo leh. Ciqaabtooduna waa
inay noqotaa tan ugu adag ee diinteennu jidaysay, sidaana ay shuruucda
waddankeenna ugu darnaa.
W/Q: Maxamuud Ibrahim (Xaaji)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...