Muuse Biixi Iyo Salaadiinta Habarjeclo Oo Fooda Isku Daraya Kulan Lagu Falanqaynayo Mustaqbalka Xisbiga Labada Reer Ee Yeesheen Kulmiye

0
Sunday August 09, 2020 - 01:27:14 in News by
  • Visits: 2771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Salaadiinta Habarjeclo Oo Fooda Isku Daraya Kulan Lagu Falanqaynayo Mustaqbalka Xisbiga Labada Reer Ee Yeesheen Kulmiye

    Muuse Biixi Iyo Salaadiinta Habarjeclo Oo Fooda Isku Daraya Kulan Lagu Falanqaynayo Mustaqbalka Xisbiga Labada Reer Ee Yeesheen Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Iyo Salaadiinta Habarjeclo Oo Fooda Isku Daraya Kulan Lagu Falanqaynayo Mustaqbalka Xisbiga Labada Reer Ee Yeesheen Kulmiye

Hargeysa(HWN):-Damaca Booska Gudoomiyenimada Xisbi Xaakimka Kulmiye Cidda noqonaysa Madxweyne Biixi dabadii ayaa uu Guuxiisii mar kale soo laba kacleeyay kadib markii ay soo dhawaatay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Oo la filayo inuu qabsoomo bisha Tobnaad ee fooda inagu soo haysa.

MUUSE BIIXI HABARJECLO UMA XIRNA SACAD MUUSE IYO HABAR YOONISNA WA HABAR MAGAADO OO WAA WALAALO - YouTube


Wararka isasoo taraya ee ku aadan arinta ku saabsan Damaca Gudoomiyenimada Kulmiye Madaweyne Muuse Biixi dabadii oo in muddo ah dhaq dhaqaaqeeduu hakad galay kadib markii dib loo riixay bilawgii sanadkan qabsoomidda Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa hadda soo laba kacleeyay waxaana si weyn booskan ugu hanqal taagaya oo uu damac ka hayaa oo u sibir duuban Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Bariga Burco kuwaasi oo qaar ka agdhaw yihiin Madaxweynaha halka kuwa kale oo damaca ka hayo booskani aanay wax xidhiidh ah la lahayn Madaxweynaha balse ay culays ku saarayaan hanaan beeleed inuu sidii loogu wareejiyay u wareejiyo booskan.


Hadaba shir weynaha Xisbiga Kulmiye oo la sheegay inuu si rasmi ah doorkan u dhici doono bilawga Bisha Tobnaad ee inagu soo socota ayaa waxaan si fiican loo ogayn in Gudoomiyenimada Kulmiye si daah furan loogu tartami doono iyo in Madaxweyne Muuse Biixi oo Wali Xilkaasi haya in loosii cusboonaysiin doono oo uu sii hayn doono isagu iyo in kale. Culayska ugu badani waxa uu ka imanayaa Siyaasiyiin kasoo jeeda Bariga Burco oo doonaya inuu Madaxweynuhu iska wareejiyo Booskaasi islamarkaana uu ku wareejiyo Beesha Bariga Burco.


Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka Beesha Bariga Burco ay todobaadkan soo socda kulan culus la qaadanayaan Madaxweyne Biixi kaasi oo in muddo ahba qaban qaabadiisii socotay islamarkaana odayaashaasi horseedkoodii ay hadda soo gaadheen Hargeysa. Kulankan ayaa waxa ugu weyn ee ay Madaxweynaha kala hadlayaan ay noqon doonaan Wareejinta Booska Gudoomiyenimada Kulmiye iyo Cabashooyin kale oo badan oo Beeshaasi ka tirsanayo Xukuumadda Madaxweyne Biixi kuwaasi oo iskugu jira Arima Ganacsi, Shaqaale dawladeed iyo siyaasadba. Waxaana la sugi doonaa xaaladani halkay marto.


Loading...
Loading...