Duqii Hore Gobolka Banaadir Oo Soo Dhoweeyay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirka Mudullood

0
Saturday August 08, 2020 - 13:21:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqii Hore Gobolka Banaadir Oo Soo Dhoweeyay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirka Mudullood

    Waxaan boggaadinayaa qodobbadii kasoo baxay kulanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan boggaadinayaa qodobbadii kasoo baxay kulanka



Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa soo dhoweeyay qodobadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Beelaha Mudullood ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Thabit Cabdi oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa sheegay in shir walba oo ay isugu timaado bulshada Soomaaliyeed uu xambaarsan yahay wanaag iyo isku heynta Soomaali weyn.

Waxaan boggaadinayaa qodobbadii kasoo baxay kulanka oo ahmiyadda saaray Dowladnimada, wadajirka iyo is-cafinta Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa dhinacyada; Duubbabka, Dhaqanka, Culimada iyo Qaban-qaabiyayaasha shirka oo ku dadaallay inuu shirku noqdo mid Soomaaliya dan u ah.

 

Qodobbadii shirka ka soo baxay waxey u baahan yihiin kala xulasho iyo taabo-galin, waxaana rajeynayaa in tallooyinkii la soo jeediyay looga faa’iideysto si qarannimo leh, oo lagu kabo geedi socodka Dowladnimada iyo marxaladda lagu jiro ee kala-guurka ah.



Loading...
Loading...