Maanta Waxa Aynu Haysanaa Fursad Weyn Oo Loogu Hiilin Karo Shacabka

0
Saturday August 08, 2020 - 09:50:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta Waxa Aynu Haysanaa Fursad Weyn Oo Loogu Hiilin Karo Shacabka

    W/Q: Nuuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Nuuradiin Diini

Maanta waxa aynu haysanaa fursad weyn oo loogu hiilin karo shacabka iyo guud ahaan qaranka Somaliland. Dal waliba waxa uu u dhismaa sida uu u helo cidii hanankarta. Hoggsamintiisa, iyo Haggajintiisa, sidaasi oo ay tahay waxa haboon in aynu maanta ka fikirno, kana tashano cida aynu dooranayno.

 

maadama oo la joogo wakhtigii la dooran lahaa Xildhibaanada Goolaha Deegaanka iyo Baarlamaanka. "Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa". Taladu maanta ayay gacanteena ku jirtaa, ee aynu is weydiino ayaa uqalma maamulka shacabka.

 

Magaalo Caasimadeeda hargaysi waa magaalo u baahan in loo adeego dhanksata oo laga qiimeeyo khaas ahaan shaqada Dawladaa hoose, waa magaalo hadhay oo hagaastay. Waa magaalo la hagraday oo laga hiiliyay una baahan in loo hiiliyo shacab iyo dawladba, si ay ula mid noqoto magaalooyinka la midkaa.

 

Hargaysi Waddo male oo waa hogog jidadkeedu, nadaafad iyo bilic male oo waa caasamidii qashinka, malaha garoomo lagu ciyaaro, malaha goobo lagu nasto oo lagu nafiso, sidaasi oo ay tahay waxa ay u baahan tahay masuulitiin karti leh oo gudan kara waajibaad kooda shaqo hargaysana qurxin kara oo gaadhsiin kara Caasimadaha geeska. "Waa la gaadhi karaa haddii loo hagar baxo dadkeediina la helo casimadaha geeska".

 

Runtii shaqsiyan, shaki la'aan Abdikarim Ahmed Mooge waxaan u arkaa in uu ka mid yahay haldoorka siyaasiyiinta Reer Somaliland ee hanka iyo himilada sare leh, Fahamsan garanaayana shaqada uu qabanaayo iyo waxa uu u taagan yahay runtii waa shaqsi ku haboon in uu Maayar ka noqdo hargaysa waxaanu ka mid yahay dadka aan is leeyahay waxbay ka qaban karaan baahiyaha caasimada.

 

Musharaxnimda goolaha deegaanka ee uu ku dhawaaqay Cabdikarim Axmed Mooge waa mid dhiiri galin weyn u ah guud ahaan dadka aqoonta leh, ee haldoorka bulshada ah kuwaasi oo kusoo dhiiran kara in ay isu taagaan hawlaha qaranka iyo fursadaha siyaasigaa ee hadda taagan.

 

Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu ku guuleeyo, Mr Mooge himiladiisa iyo hankiisa waa shaqsi bulshadu u baahantee.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...