'' Somali Hanibal ''.
Hanibal wuxuu ahaa geesi u dhashay Afrika gaar ahaan dadka Barbarka ee reer Tuniisiya , waxaanu ahaa nin geesi ah oo ku xeel-dheer xeeladaha dagaalka , waana ninkii koobaad ee Afrika ee magaalooyin badan oo imika ka midda wadanka talyaanigga ka qabsaday Boqortooadii Rooma .
Halka Maxamed xaaji Muuse( Harag-waafi) ahaa Geesi ka tirsanaan jirey ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed , gaar ahaan saraakiil xigeenadii qaybta kamaandowsta , ka dib intii aanu ku biirin ururkii snm .
Harag-waafi markii uu ku biiray snm wuxuu noqday Taliye guuto,waxaanu ka qayb galay dagaalo badan isagoo hogaaminaya Guutadiisa dagaalo fara badan , arrintaas oo uu kala sinaa saraakisha kale ee snm , hassa yeeshee Haragwaafi wuxuu soo kordhiyey arrin kale oo uu gaar ku ahaa .
1982 Ilaa 1988 oo uu dhintay wuxuu si joogta ah uga fulin jirey gudaha wadankii Soomaaliya hawl-gallo joogto ah isagoo aan dan ka lahayn dawladii soomaaliya xoogeedda oo dhan isagoo wata ciidan yar oo kooban .
Hawl-galadda mucjisooyinka ah ee uu fuliyey iyadoo hawl-galadiisa oo dhami wada mucsjiso ahaayeena waxaa ka midda .
1- La bixistii Janankii Itoobiyaanka ahaa ee 1982 uu kala baxay gudaha cisbitaalka Burco , janankaas oo laggu qabtay dagaalkii Bali-dhiig hassa yeeshee uu maalin ka dib ka saaray cisbitaalka Burco oo laggu ilaalinayo ka dibna uu si nabadda ku geeyey Gaashaamo .
2- Qabsashadii oodwayne 1986 , halkaas oo uu hadh-cad ka kaxaystay saadkii ciidanka oo dhan iyo baabuur isagoo habeen iyo maalin badhkeed haystay Oodwayne iyadoo dawladii soomaaliya ilka-heedda qabta .
3-Af-duubkii booyadaha shiidaalka , is eryedkii Beer ilaa xuduudka iyo qisadii ka danbaysay .
Muj jaamac doolaal oo ka waramaya dhacdadani wuxuu yidhi '' waxaanu
wadanay 2 baabuur oo toyata ah , waxaanu wadada laamiga ah ee Beer ka
af-duubnay laba booyadood oo shiidaal ah , ka dibna waxaa nagu soo baxay
ciidamadii Burco ilaa xuduudka joogay , maalin dhan baa nala eryeynayay
, labadii booyadood way dhaawacmeen , labadii baabuur ee Toyata ahaa
midbaa wax gaadheen , dabeeto anagoo wadana hal Toyote oo zikawi saaran
yahay baa xabadi ku dhacday dareewalkee ( Baashe garaabo) taayar ,
suxulkii isteerinka , waxaana naggu soo dhaw 12 beebee iyo ciidan xooga ,
ka dibna intuu ila hadlay Harag-waafi buu yidhi , waaryaa jaamac , deg ,
4 kale oo uu ka mid Caaqil siciid iyo Suldaan maxamuud , ka dibna
wuxuu yidhi baabuurka ayaan taayarada ka badalayaa , suxulkana waan u
hagaajinayaa idinkuna ciidanka inaga reeba , 5 ciidankoo oo dhan baa
maalintii oo dhan is haystay , ka dibna intuu baabuurkii dib noogu soo
celiyay buu i qaaday
'' .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!